Diyaaraddii Ugu Weynayd Dunida Ee Abid La Sameeyo Ayaa Ingiriiska Ku Burburtay Iyada Oo Tijaabo Ku Jirta

0
679

1London (Geesa)- Waxaa dhowaan dalka Ingiriiska ku burburtay diyaaraddii dunida ugu weynayd abid ee la sameeyo oo loogu magac daray  Airlander 10. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee PA oo qortay warkan uu Geeska Afrika turjumay, diyaaraddan oo dhererkeedu ahaa 92 Mitir, waxa ay burburtay toddobaadkii hore xilli ay ku jirtay tijaabadii ugu horreysay.

Diyaaraddan oo loogu talogalay in loo adeegsado kor-jootaynta, qaybinta gargaarka iyo weliba qaadista rakaabka iyo badeecadaha ayaa sida laga daawaday Fiidyow yar oo hawlwadeennadii gacanta ku hayey ay duubeen, waxa ay ku burburtay gegida diyaaradaha Cardington ee degmada Bedfordshire ee magaalada London.

Afhayeen u hadlay shirkadda samaysay diyaaraddan oo ka hadlay sidawax u dhaceen ayaa yidhi, “Airlander waxaa ku dhacay cillad qasabtay in ay si kedis ah u soo fadhiisato oo weliba dhulka si miisaan leh ugu dhacdo, taas oo keentay in uu dhaawac soo gaadhay qaybta hore ee diyaaradda, waxa aana hadda la wadaa qiimaynteeda”

Afhayeenku waxa uu sheegay in labadii duuliye ee diyaaradda kiciyey iyo shaqaaihii kalaba badqab iyo caafimaad fiican ku soo fadhiisteen, diyaaradda qudheedana laga badbaadiyey in uu khasaare intan ka badani gaadho.