“Anigoo Ah Wasiir Ka Soo Jeeda Burco, Waxaan Iska Diiwaangeliyay Laascaanood”Wasiiru-dawlaha Wasaarada Caafimaadka

0
606

Laascaanood(Geeska)-Wasiiru-dawlaha Wasaarada Caafimaadka Mr. Maxamuud Adan Jaamac Galaal oo iska diiwaangeliyey degmada Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday inuu talaabadan u qaaday si uu bulshada Somaliland ugu bayaamiyo inaan dalka la kala lahayn.

Wasiir Galaal oo ka hadlayey ujeedada uu magaalada Laascaanood u yimi, sababta ku kaliftay inuu iska diiwaangeliyo ayaa yidhi,

“Waxaan magaalada Laascaanood u nimi waa kormeerida goobaha diiwaangelintu ka socoto gobolka Sool. Diiwaangelintu waa xaq muwaadin kasta leeyahay, waxaan bulshada ugu baaqayaa inay is-diiwaangeliyaan siday u doortaan qofkii u qalma doorashada Madaxtooyada iyo Wakiiladaba.

Wasiiru-dawlaha wasaarada Caafimaadka Mr. Maxamuud Adan Jaamac Galaal oo ka hadlayey sababta ku kaliftay inuu iska diiwaangeliyo magaalada Laascaanood ayaa yidhi,

“Anigoo ah Wasiir ka soo jeeda Burco Barrigeeda, waxaan go’aansaday inaan Laascaanood iska diiwaangeliyo, si dadka Awdal ugu cibraqaataan, guud ahaan Somaliland u arkaan isku-dhafnaanta iyo wadajirka bulshada, annaguna u noqono sunne iyo tusaale wanaagsan.

“Waxaan ku wada soconaa laba masuul oo dawlada ka tirsan, kana soo jeeda Burco, anniga iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Caafimaadka Fa’isa Xaaji Axmed, oo hawlo wasaarada Caafimaadka iyo arrinka diiwaangelinta u yimi Laascaanood.

Wasiiru-Dawlaha Caafimaadka Mr. Galaal ayaa sheegay in fariinta ay gudbinayso diiwaangelinta uu ka galay Laascaanood, isagoo ah Wasiir ka soo jeeda deegaanka Burco tahay in bulshada Somaliland ogaato in qof walba iska diiwaangelin karo gobolada dalka midkuu doono, wax u diidayana aanu jirin, waxaanu yidhi,

“Fariinta ay gudbinayso diiwaangelintayda Laascaanood waa inaan bulshada Somaliland u sheego in qof walba halkuu doono iska diiwaangelin karo, dalkana aan la kala lahayn, shacabka gobolka Awdal waxaan leeyahay ku cibraqaata, arrinka xasaasiyadda laga abuurayo lix goobood waxaan qabaa inay ka dambeeyaan dad ka soo horjeeda xasiloonida iyo wadajirka Somaliland.