Diyaaradda Maalqabeenka Madaxweynaha Loo Doortay Trump Ayaa Ka Sarraysa Diyaaradda Madaxweynaha Loogu Talogalay

0
679

1Washington (Geeska) Qayb kale oo ka mid ah qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee is barbar dhigga ku samaynaysay diyaaradda maalqabeenka loo doortay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo diyaaradda loogu talogalay in madaxweynayaasha Maraykanku adeegsadaan ee Air Force One.

Diyaaradda Trump qiimaheedu waa 100 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, agabkeeda gudaha qaarkiina waxa uu ka samaysa yahay dahab saafi ah, sida qasabadaha lagu fooldhaqdo, suumamka dhexda lagu xidho ee kuraasida ayaa lagu dahaadhay dahab nooca 24 Giraam ah, qolka hurdada ee Trump loogu talogalayna waxaa ku xidhan derbiyo ka samaysan qoriga qaaliga ah oo uu ku xardhan yahay, hal-ku-dhegga, ‘Qoyska Trump, waxa aana yaalla barkimooyin iyo gogol xariir ah, sidoo kale waxaa ku , waxa ay leedahay qol soo dhoweynta ah, xafiis, qol hudo oo laba xamaam leh, iyo mishiino aad u awood badan oo noocoodu yahay Rolse Ruise.

Diyaaraddu waxa ay leedahay qol lagu daawado Fiidyowga oo ay taallo muraayad 57 hiish ballaceedu yahay, iyo qalabka codka oo si qurux badan gidaarrada diyaaradda u raacsan, waxa aaa ku kaydsa filimo tiradoodu kun ka badan tahay.

Diyaaradda Trump ayaa la sheegay in markii ay fadhiisanaysay gegida diyaaradaha ee gudaha aqalka cad ay dhinacyada ka sii deysay biyo sida tuusha rushaynaya dhulka iyo cidda ka ag dhow diyaaradda, taas oo lagu tilmaamay in ay ahayd nooc dabbaal deg ah.

Maxay kaga sarraysaa  diyaaradda Madaxweynaha Maraykanka loogu talogalay

Haddii aynu qiil u raadinno diyaaradda madaxweynaha Maraykanka ee Air Force one si aynu meel uun ugu xusno in ay ka sarrayso diyaaradda Trump waxa aynu xusaynaa in diyaaradda Trump baalashadeeda labaad dhererkoodu yahay 38 mitir, halka tan madaxweynaha ay ka yihiin 59 mitir. Aynu ku darno in diyaaradda madaxweynuhu qaaddo 102 ruux, laakiin diyaaradda Trump ay qaaddo 43 ruux oo keliya, sidoo kale diyaaradda madaxweynuhu waxa ay leedahay, hool shirarka loogu talogalay, qol qalab jimicsi yaallo oo lagu jimicsanayo, iyo awood ay iskaga caabbin kato gantaalaha, sidoo kale waxaa ku rakiban nidaam caafimaad iyo xarun xaaladaha  degdegga ah ee caafimaadka loogu tala galay si loogu daryeelo haddiiba ay dhibaato kedis ahi ku soo booddo ninka dalka ugu muhiimsan.

Trump muxuu ka yidhi diyaaradda madaxtooyada:

Barak Obama oo la ogaa in uu si aan hore loo arag u garab istaagay ol’olihii Hilary Clinton ayaa gaadhay in xitaa diyaaradda madaxweynaha uu u kaxaysto hawlo ol’olaha doorashada la xidhiidha, arrintaan oo aan nidaam ahaan sax ka ahayn Maraykanka, balse aan sharci darro lagu tilmaamin, ayaa uu Donald Trump si aad ah uga cadhooday, maalin maalmaha ka mid ah oo uu ka hadlayna waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Maxaa Obama loogu ogolaaday, in uu adeegsado diyaaradda madaxtooyada si uu ugu ol’oleeyo Hillary-da dhabarka qalloocda… Yaa kharashka diyaaradda bixiya?”

Mar kale Trump oo sida muuqata weli arrintaas ka cadhaysan ayaa yidhi, “Diyaaradda Madaxtooyada waxaa ku rakiban mishiinno gaboobay, sidaa awgeed qiiq hawada wasakhaynaya oo dhibaato keenaya ayaa ay sii deynaysa, waana qiiqa uu Obama qudhiisuna hawo ahaan u qaatay. … Bal u fiirsada, Obama waxa uu ka sheekaynayaa in caalamku uu yareeyo qiiqa hawada wasakhaynaya, markaasuu Hawaii ku dul duulayaa diyaaraddan mishiinnadu xumaadeen ee cadaabta soo matagayaan” mar kale waa uu sheegay in qof kasta oo ay ka dhab tahay I hawada laga yareeyo qiiqa sunta ah, ay qasab ku tathay in uu diyaaraddan joojiyo.