Dalalka Nidaamkooda Waxbarasho Dunida Ugu Fiican Yahay Iyo Hannaanka Xiisaha Badan Ee Ay Maraan (Q:2)

0
716

Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay ka warramaysaa nidaamka waxbarasho ee dalal ka mid ah dunida oo la caddeeyey in ay yihiin kuwa dunida ugu fiican dhinaca nidaamka waxbarashada.

4. Japan: Sannad dugsiyeedka dalka Japan waxa uu bilowdaa bisha Abriil (Afaraad) illaa bisha Maarij (Saddexaad) ee sannadka dambe, saacadaha waxbarashaduna waa 8 subaxnimo illaa 4 galabnimo. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in manhajka waxbarashada ay ka mid tahay maaddo ardayda wiilal iyo gabdhaba la baro cunto karinta iyo dhar tolidda. Waxaa xusid mudan in adeegsiga Tiknoolajiyaddu uu qayb muhiim ah ka yahay nidaamka waxbarasho ee dalka, dugsiyada badankooduna ay leeyihiin internet ardaygu arrimaha waxbarashada la xidhiidha u isticmaalo.

5. Finland: Sidaaynu hore u soo xusnay mahajka waxbarasho ee dalka Finland ayaa laga saaray maaddooyinka Fiisigiska, Xisaabta, Sugaanta iyo taariikhda oo ah maaddooyin inta badan ardayda ku adkaada, waxa aana loo diyaariyey qaab xoogga la saarayo tayada macallinka iyo awoodda uu u leeyahay fahamka maaddooyinkan, kadibna macallinku uu hal cashar dhigayo, marka uu halkaa cashar sharraxayana kala soo dhex baxayo dhammaan waxyaabaha maaddooyinkan khuseeya ee ku jira, dabcan waa cashar marka horeba si cilmiyeysan ugu diyaarsan in maaddooyinkani ka hoose muuqdaan. Markaas ardayga oo u haysta in uu hal cashar uun dhigtay ayaa haddana laga dhex fahamsiinayaa, xisaabta, sayniska, juqraafiga, taariikhda, iyo cilmiga bulshadaee ku dhex jira, laylis ahaanna loogu keenayaa.

Ardaygu waxa uu dugsiga hoose dhammaysanayaa isaga oo maaddooyinka aynu soo sheegnay cilmi ahaan u garanaya, balse haddana aamisan in uu maaddo keliya oo kooban dhigan jiray, markaas uu waxbarashada sare bilaabayo ayaana loo diyaarinayaa hab uu maaddooyinkaas marka hore isku dhex qarsoonaa mid ama laba ka mid ah takhasus ahaan u doorto.

6. Estonia: Dalka Estonia ayaa isla markii uu sannadkii 1991kii madax bannaanida ka qaatay dalkii la odhan jiray Midowga Soofiyati waxa uu bilaabay nidaam waxbarasho oo dugsiyada carruurta 7 jirka ah lagu barayo, barnaamijyada kombiyuutarka. Dhammaadkii Sagaashamaadkiina gebi ahaanba nidaamka waxbarasho ee dugsiyada waxaa loo beddelay mid loo adeegsanayo barnaamijyo kombiyuutar.

Nidaamka sida aadka ah loo casriyeeyey iyo tayada waxbarasho ee dalkan ayaa keenay in isaga  oo ah qaran dawladnimadiisaba la aqoonsaday sannadkii 1991kii haddana in uu ka mid noqdo dalka Lixaad ee dunida oo dhan waxbarashadiisu ugu tayo badan tahay, uguna casrisan tahay.

7. Switzerland: Sharciga dalka Switzerland ayaa waalidka ku waajibinaya in ay goobaha waxbarashada oo bilaa lacag ah geeyaan ilme kasta si uu u qaato waxbarashada aasaasiga ah. da’da ugu weyn ee ilmaha lagu qori karo dugsiga hoosena waa 6 sano, isku darka sannadaha waxbarashaduna waa 12 sano, dugsiyada sare ee dalku waa ay kala waxbarasho sarreeyaan, kalana tayo badan yihiin, sidaa awgeed ardayga dugsiga  hoose dhammaystay ma’ awoodo in dugsiga uu doono uu tago, balse hadba dhibcaha uu ka haysto imtixaankii dhammaysashada dugsiga hoose/dhexe ayaa go’aaminaya dugsiga uu tegeyo iyo xitaa maaddooyinka uu dugsigaa ka baranayo, maadaama oo dugsiyada sare maaddooyin kala duwan ardayda ku kala takhasusiinayaan.

Sharciga dalka Switzerland waxa uu dhigayaa in muwaadin kastaa ku qasban yahay in uu soo maro ugu yaraan 9 ka sano ee waxbarashada ugu horreeya. Dalka Switzerland waa dalka labaad ee dunida ardayda ugu badan ee ajaanib ahi wax ku bartaan, waxa aana ka horreeya dalka Usteriya.113 ah culimo cilmiyada kala duwan ku xeeldheer oo dalkan u dhashay ayaa ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobal, sidoo kale 9 jeer ayaa haayado xarumahoodu ay dalkan yihiin ku guulaysteen abaalmarinta Nobal. Waxaa dalkaku yaalla xarumaha sayniska ee dunida ugu waaweyn, shaybaadho aanay cidi la tartami karin iyo xarumo tiknoolajiyadda lagu sameeyo.