Saxafiyiinta Somaliland Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xadhiga Guddoomiyaha Foore

0
528

Hargeysa (Geeska)-Warbaahinta madax banaan ee Somaliland ayaa ka hadlay xadhiga Guddoomiyaha Wargeyska Foore Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Ibraahim, oo ay ku tilmaameen in sharci daro iyo cadaalad daro lagu xidhay, isla markaana aan lagu qaadin xeerka saxaafadda, waxayna tilmaameen in hadda xaaladiisa caafimaad laga dayrinayo, loona diiday in cidi booqato.

dddd

Warbaahinta madax banaan oo shalay shir jaraa'iid ku qabtay Xaraf Hotel, ayaa sidoo kale waxay Xukuumadda ugu baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadiisi loogu soo celiyo Guddoomiyaha Wargeyska Foore Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab, Wariyayaasha warbaahinta kala duwan ee dalka oo shirkaas jaraa'iid ka hadlay ayaa sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay inay xayiraada ka qaado Wargeysyada Haatuf, Codka Shacabka iyo Hubsad, oo xayiran, iyaga oo sheegay in nidaam sharciga wafaaqsan aan loo marin xayiraada, ee sifo khaldan oo sharci aan ku salaysnayn ay u xayiran yihiin

Dhinaca kale waxay sheegeen inay Xukuumaddani caado ka dhigatay xadhiga Wariyaayasha iyaga oo sheegay in habeen hore wariye lagu xidhay Magaalada Laascanood, halka sidoo kale ay tilmamaaneen in Magaalada Berberana lagu xidhay Wariyayaal maalmo ka hor, waxayna Xukuumaddan ku tilmaameen inay tahay Xukuumaddii xidhay Wariyaayasha ugu tirada badnaa.