Xildhibaan Ka Hadlay Aragtidiisa Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle

0
985

Hargeysa (Geeska)- Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Guurtida, ayaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada ee dhawaan la doortay Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ku tilmaamay inuu yahay masuul u qalma xilkan, iskuna wadi kara Golaha, danaha gaarka ahna aan eegi doonin.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada Madaxtooyada, waxaanu ugu horeyn uu yidhi, “Cabdiraxmaan Cirro, Cabdiqaadir Jirde iyo Xirsi, waxay muujiyeen lex-jeclo inay dalka ka leeyihiin, oo dhib iyo kala qaybsanaan bay ka badbaadiyeen, waxay ka damqadeen dhibaatada iyo khilaafka ka taagan Golaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Cirro-na maadaama uu Musharax yahay, Golahana uu ka sii socdo, xilkasnimo dheeraad ah ayuu muujiyey, waana uga mahadnaqayaa dhibtaas ay Golaha ka badbaadiyeen”.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, ayaa isagoo ka hadlaaya Doorashada Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada yidhi,  “Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waan ku hambalyeynayaa xilkan uu ku guulaystay, waa nin dhalinyaro ah, waa nin mustaqbal leh, waa nin isku wadi kara Golaha, waa nin xittaa haddii uu isku soo sharraxo xilka Madaxweyne la dooranayo, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Xisbi ha ahaado, laakiin maaha nin qaadanaya waxa looga yeedhiyo Madaxtooyada, ee wuu ka balaadhan yahay”. 

Xildhibaan Maxamed Wali mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Komishan xil culus baa saaran, ee xilkooda si daacadnimo ku dheehan tahay ha u gutaan, Doorasho xor iyo xalaal ahna ha qabtaan, Shacabkana waxaan kula talinayaa inay qaranimadooda iyo nabadgalyadooda ilaashadaan”.