Darawallada Gaadiidka Waaweyn Ee China Oo Lagu Qasbay In Ay Cunaan Basbaas Kulul Si Aanay U Luloon

0
695

Picture10Beijing (Geeska)- Ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee deegaannada koonfur galbeed ee dalka China ayaa xal u arkay in darawallada gaadiidka xammuulka daabula lagu qasbo in ay calaashadaan basbaas akhtar (Qaji) aad u kulul si aanay u luloon xilliga ay ku jiraan safarka guursaha ah. Wargeyska Chongqing Evening News ee ka soo baxda dalka China oo uu Wargeyskan Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in booliiska nabadgelyada waddooyinka ee gobolka Chongqing ay bilaabeen in darawallada gaadiidka waaweyn loo qaybiyo basbaas akhtar aad u kulul (Akhtarka cas cas). Fikirkan ayaa yimi iyada oo la dabbaqayo aaminsanaanta dadka Shiinaha ee ah in dadku ay ugu lulo iyo hurdo badan yihiin xilliga gu'ga, sidaa awgeed waxa ay masuuliyiinta nabadgelyada waddooyinku xal u arkeen in si hurdada xilligaas timaadda looga hortago ay qasab tahay in sannad kasta xilligaas darawaliinta lagu qasbo cunista basbaaskan aadka u kulul. Taas oo ay aaminsan yihiin in ay xal u noqon doonto, shilalka gaadiidka xamuulka ah ee khasaaraha moodka iyo maalka badan ah keena, kuwaas oo gaadiidka ugu badan ee gala ay yihiin kuwa xammuulka ee habeenkii guda.

Warkan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa uu intaas ku dartay in inta badan darawallada gobollada Sichuan iyo Yunnan ee deriska ahi ay u arkaan in basbaaskani ka mid yahay khudaarta fadilan. Mid ka mid ah darawallada basbaaska loo qaybiyey oo uu wargeyska Chongqing Evening News waraystay ayaa yidhi, "Waa arrin aad u fiican in aanu helno basbaas qajigan kulul, marka aad ku daasho ama ku lulooto wadista baabuurka ayuu ku baraarujinayaa" waddooyinka waaweyn ee dalka China ayaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu khatarta badan dunida oo dhan, cidhiidhiga gaadiidka oo ku badan iyo xawaare sare oo ay ku socdaan waxa u dheer darawallada oo inta badan iska dhego mariya sharciga waddo marista.