Digniin Caafimaadk: Dheefshiidku Si Sax Ah Oo Dhaqso Leh Uma Burburin Karo Beergarka Ah…

0
687

London (Geeska)- Waa qiso dhab ah oo ka dhacday dalka Ingiriiska, waxa aanay tusaale cad u tahay awoodda uu leeyahay ruuxa si dhab ah Alle u talo saarta iyo faa’idada inoogu jirta Qur’aan akhriska. Qisadan waxa uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-deer oo laga leeyahay dalka Suuriya, waxase lagu baahiyey inta badan ee degellada kala duwan ee Internet ka iyo bogagga bar-kulannada bulsho ee caanka ah, waxa aanay qisadu u dhacday sidan:

Gabadh Muslimad ah oo diinteenna suuban ku dhaqankeeda aad ugu adkayd oo ku noolayd magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa habeen habeennada ka mid ah ka qayb gashay casuumad casho oo ay u samaysay gabadh ay saaxiib yihiin oo deggen meel aad uga durugsan. Casuumaddii ayaa la dheeraatay oo waxa ay ku gaadhay goor habeen badhkii ka dambaysa, taas oo gurigeeda aadka u fog awgeed ku beertay cabsi badan. Inantii casuumadda u fidisay ayaa u soo jeedisay in ay baska raacdo oo aanay u dhowaan tareenka oo dabcan isagu ka dhaqso badanaya baska laakiin ka khatar badan dhinaca tuugta iyo dhagar qabayaasha habeenkii ay London caanka ku tahay saacadaha dambe ee habeenkii.

Inantii waxa ay qiyaastay waqtiga ay joogto iyo faraqa weyn ee u dhexeeya saacadaha ay baska iyo tareenku ku geynayaan gurigeeda, sidaa awgeed waxa ay go’aansatay in ay Rabbi Talo saarato oo tareenka ay ku calool adaygto. Waxa ay tagtay rugta tareenkan dhulka hoostiisa mara laga raaco (Subway), markii ay ku dhaadhacday rugtan iyada oo aad u cabsanaysa ayaa ay bilowday in ay akhrisato suuradaha Qur’aanka ah iyo ducooyinka balaayo xijaabka loo akhristo, barxaddii yarayd ee tareenka laga raacayey waxa ay ugu timid nin keliya oo taagan, wax bani aadam ah waa iyada iyo ninkaas, inta ay Qur’aan akhriskii sii wadatay ayaa ay iska socotay oo ay tareenkii fuushay, sidii ayaanay gurigeedii ku tagtay.  Maalinnimadii ayaa ay jaraa’idka ka akhriday in xalay gabadh lagu dilay rugta tareenka, markii ay eegtay saacadda la dilayna waxa ay ogaatay in shan daqiiqo oo keliya ay ka sii maqnayd goobtaas, si ay u ogaato xaqiiqada ayaa ay tagtay saldhiggii booliiska oo lagu hayo ninkii dilka geystay, waxa aanay booliiska u sheegtay in meeshaas ay 5 daqiiqo ka hor martay, ninna ku dhaaftay, booliiska oo doonaya in ay kiiskan marag ka noqoto ayaa ka codsaday in ay ninkii rag kale ka soo dhex saarto, markiiba inta ay farta ku fiiqday ayaa ay tidhi ninkaas ayaa uu ahaa. Laakiin arrinta yaabka noqotay waxa ay ahayd markii ay gabadhani booliiska si adag uga codsatay in loo oglaado in ay su’aal weydiiso ninkaas, muddo ay ka dhego adaygeen kadib ayaa loo ogolaaday, waxa aanay weydiisay, “Miyaad i garanaysaa?!” Ninkii ayaa ku jawaabay, “Miyaa aynu hore isu aragnay?” waxa ay u sheegtay in ay tahay gabadh tareen ka degtay oo dilka daqiiqado yar ka hor goobtaas isaga ku soo dhaaftay. Ninkii ayaa ku yidhi, “Haa, waan ku xasuustay” Gabadhii waxa ay dhagar-qabihii weydiisay, “Maxaad aniga ii dili weyday ee aad gabadhan ku dooratay?!!” markaasuu ugu jawaabay, “Sideen adiga kuu dili karaa sowtii labada nin ee xoogga waaweyni ku daba socdeen” Gabadhii oo markiiba garowsatay xikmadda meesha ku jirtat ayaa kadinka ka baxday iyada oo aamusan.