Cuntooyinka Qaniga Ku Ah Barootiinta Iyo Khudraddu Waxay Ka Hortagaan Kansarka, Laakiin Hilibku Kuma Jiro

0
688

Qaahira (Geeska)- Cuntadu waxa ay ka mid tahay sababaha ugu muhiimsan ee qofka ka caawiya ka hortagga cudurka, daraasado badan ayaana xaqiijiyey in ay jiraan noocyo cuntada ka mid ah oo iyagu si gaar ah ka-hor-tag ugu ah cudurrada qaar. Drs. Calaa Muxammed oo ku xeel dheer faa’idooyinka caafimaad iyo dawada cuntada laga heli karo ayaa sheegtay in cudurrada ugu muhiimsan ee cuntadu ka hor-tegi karto uu ka mid yahay cudurka Kansarka, oo ka mid ah cudurrada aan dawada buuxda lahayn ee tobanaankii sano ee ugu dambeeyey faraha baas ku haya dunida. Dhakhtar Calaa waxa ay sheegtay in cuntooyinkan oo laakiin aanu ku jirin hilibka xoolaha iyo cuntooyinka caanaha laga soo dheegtaa ay qofka ka caawiyaan in uu jidhkiisu iska difaaco kansarka, sababtuna waa cuntooyinkan oo ay ku jiraan maaddooyin muhiim u ah jidhka. Drs. Calaa oo si gaar ah u tilmaamaysa cuntooyinka ay aaminsan tahay in ay hab-dhisyada jidhka xoojiyaan, kuna dhiirri gleiyaan in uu iska ilaaliyo kansarka ayaa tilmaamtay, Foolka, Cadaska, Faasuuliyaha iyo dhammaan cuntooyinka noocan ah. “Marka aynu fuulka si gaar ah uga hadlayno, waxa uu qani ku yahay Faytamiin B oo ah faytamiinka ugu muhiimsan ee caawiya koritaanka unugyada iyo qaybsankooda, kuwaas oo ay ku jiraan unugyada dhiigga cas ee jidhka ka ilaaliya dhiig la’aanta” ayaa ay tidhi Drs. Calaa’.

Dhakhtaradda oo dhinaca hilibka ka hadlaysay ayaa ku talisay in la badsado cunista hilibka loo yaqaanno hilibka cad oo ah hilibka digaaga iyo Kalluunka oo ay soo jeedisay in ugu yaraan saddex jeer toddobaadkii la cuno, waayo waxaa ku jira maaddooyin cunto iyo barootiinno muhiim ah oo uu ka mid yahay Phosphorus. Drs. Calaa’ waxa kale oo ay ku talisay in la badsado cunitaanka khudradda oo ay sheegtay in ay tiir muhiima u tahay xoojinta hab-dhiska difaaca ee jidhka, si uu isaga ilaaliyo Kansarka. “Waxaa fiican in la cuno dhammaan noocyada cuntada, sida Liin Macaanta, Tufaaxa, Cinabka, Cananaas, Daba-casaha, ka iwm” ayaa hadalladeeda ka mid ahaa. Waxa aanay si aad ah uga digtay cunista cuntooyinka samayska warshadeed ah iyo Beergarka, iyo cuntooyinka dufanku ku badan yahay, ugu dambayntiina talada ugu fiicani waa in qofku uu ugu yaraan saddex jeer toddobaadkii jimicsado iyo in uu badsado biyo cabbista.