“Siyaasadu Way Iga Xidhan Tahay, Dano Iyo Hawlo Yaryar Ayaan Hadda Isku Hagaajisanaya, Markaan Xor U Noqdo, Ayaan Ka Hadli Doonaa Mawqifkayga”

0
587

Picture7Hargeysa  (Geeska)-La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolkada Bari Fuaad Aadan Cadde, ahna Siyaasi ka soo jeeda Gobolada Bari ee Somaliland, ayaa sheegay in aanay munaasib ku hayn inuu ka hadlo sababta ku keliftay inuu La taliyihii Doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade uu kaga goostay Somaliland, si toos ahna u tagay Maamul Goboleedka Puntland, waxaanu xusay in haddii uu dalka joogi lahaa uu wax ka odhan lahaa balse uu hadda waxba ka odhan karin, waxaanu sidoo kale sheegay in hadal haynta Axmed Cabdi Xaabsade la iska daayo.

La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bari Fu’aad Aadan Cadde,oo Wargeyska Geeska Afrika ugu waramay khadka Telefoonka isaga oo ku sugan Degmada Xudun, ayaa isaga oo saluugsan Maamulka iyo Nidaamka Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siillaanyo wuxuu sidoo kale sheegay in mawqifkiiisa dhabta ah ee uu ka leeyahay inuu sii joogo Somaliland iyo in kale uu caddeyn doono  marka uu dhammaysto hawlo u socda, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay  “Axmed Cabdi Xaabsade markuu Hargeysa joogay wuxuu  ku hadlay iyo eedihii uu u soo jeediyey Xukuumadda waan ka jawaabay,intaas uu yidhina waxaan idhi waa run, markii haddii uu imika inaga tagay hadalkiisa waxba daba geli maayo, waxna ka odhan maayo, haddii uu Hargeysa iyo dalkaba joogo wax ayaan ka odhan lahaa, laakiin Maanta dal kale ayuu jooga, mana haboona in haddii uu Maanta Wadan kale tagay in la sii daba galo, oo wax laga sheego”.

Fu’aad Aadan Cadde mar aanu wax ka weydiinay mawqifkiisa ugu dambeeya ee uu ku aadan inuu Somaliland sii joogayo iyo inuu qaadayo Waddadii uu qaaday Xaabsade ayaa yidhi “Anigu imika Xudun ayaan joogay, in aan arintan ka hadlana diyaar uma ihi, Siyaasaduna wey iga xidhan tahay,  dano iyo hawlo yaryar ayaan hadda isku hagaajisanaya, iskuna toosisanayaa, oo marka aan  xor u noqdo, oo aan danaha aan u joogo Xudun aan dhammaysto ayaan ka hadli doonaa mawqifkayga ku aadan arintan.”