Digaagga Iyo Kalluunku Waxay Yareeyaan Khatarta Caafimaad, Barootiingka Ugu Fiicanna Waxaa Laga Helaa Cuntada Waddaniga Iyo Khudradda

0
582

wwwwwwwwWashington (Geeska)- Cilmibaadhis ay sameeyeen khubaro Maraykan ah oo ka tirsan jaamacadda caanka ah ee Harvard ayaa daahfurtay in cunista barootiinka aan lahayn dufanka sida lawska, hilibka digaagga iyo kalluunku ay yarayso khataro caafimaad oo qaarkood nolosha halis ku yihiin. Waxa ay daraasaddu sheegtay in saddexdan cunto ay caafimaadka uga fiican yihiin hilibka xoolaha, Beedka iyo weliba cuntooyinka caanaha laga soo dheegto oo dhammaantood keena dhibaatooyin caafimaad.

Daraasaddan uu Geeska Afrika ka soo xigtay Alcarabiya balse asalkeeda lagu baahiyey majaladda Journal of The American Medicine Association  (JAMA) ee Maraykanka ka soo baxda ayaa tijaabo ku samaysay in ka badan 130 kun oo qof oo ay xaaladdooda caafimaad iyo noocyada cunto ee ay cunaan isu eegaysay muddo 30 sano ah. Waxa aana ka soo baxday arrin ay horeba ugu celcelin jireen xeeldheerayaasha caafimaadka oo ah in hilibka cadi ka caafimaad badan yahay hilibka cas.

Waxa ay khubaradu sheegayaan in barootiinnada ugu badan ee khatarta ku ah caafimaadka qofku ay ku jiraan hilibka xoolaha, oo uu ugu horreeyo hilibka lo’da iyada oo khatarta ugu bandanna ay ku yihiin dadka miisaankoodu weyn yahay, kuwa sigaarka nuuga, iyo kuwa aan jimicsiga jidhka samayn. Ugu dambayntiina waxa ay khubaradu ku taliyeen in barootiinga aanu jidhku ka maarmayn laakiin halkii hilika cas laga badsan lahaa ay fiican tahay in qofku uu barootiinta ka raadsado cuntooyinka ay ka mid yihiin Khubuska, cuntada midhaha (Firiga) ah, Faasuuliyaha iyo khuradda.