Ilmahaaga 6 Bilood Naas Keliya Sii, 12 Ka Bilood Ee Hore Ka Ilaali Caanaha Lo’da, 3 Jirka Cuntada Dadka Waaweyn Ugu Bilow Kana Ilaali Xawaashyada, Milixda Iyo Sonkorta

0
763

Cunto siinta ilmaha iyo u doorista cuntada ku habboon caafimaadkiisa iyo koritaankiisu waa arrimaha ugu badan ee mashquulka ku haya waalidiinta, gaar ahaan hooyada, haddaba haddii aad is weydiisay su’aashaas iyo waqtiga ugu habboon ee ay tahay in ilmahaagu uu fadhiisto miiska cuntada dadka waaweyn, qormadan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey Alcarabiya waxa ay kaa siinaysaa jawaab muhiim ah:

1. Ilmuhu marka uu saddex sano jir gaadho waa uu cuni karaa cuntada dadka waaweyn, laakiin talada muhiimka ah ee dhakhaatiirtu ku siinayaan waa in cuntadaas aad ilmaha siinaysaa ay dhammaanteed noqoto cunto guriga lagu sameeyey oo aad ka ilaaliso cuntooyinka hudheellada iyo goobaha cuntada degdegga ah laga qaato.

2. Lixda bilood ee cimriga ilmaha ugu horreeya naas nuujinta ayaa ah cuntada iyo nafaqada ugu heerka sarraysa ee uu u baahan yahay. Lixdaa bilood kadib ayaa aad u bilaabi kartaa cuntooyinka kale ee ay ka mid yihiin khudradda oo loo shiido, shurbad ka samaysan khudradda noocyadeeda kala duwan. Sidoo kale lixda bilood kadib ilmuhu waxa uu cuni karaa cuntooyinka dareeraha ah, laakiin iska jir in aad siiso caanaha lo’da illaa ay da’diisu hal sano gaadho.

3. Marka ilmuhu uu 12 Bilood gaadho, waxa uu cuni karaa khudradaha qaar, laakiin ka ilaali xawaashyada, milixda iyo busbaaska, sidoo kale waxaa fiican in aan sonkor cuntada loogu darin illaa uu hal sano gaadho, haddii hal sano la sii dhaafin karana waa ay ka sii fiican tahay.

4. Xawaashyada oo ay ku jiraan sinjibiisha iyo qolofalku, iyo sidoo kale milixdu waxa ay ku fiican yihiin in ilmaha aan la siinin illaa u gaadho ugu yaraan 18 bilood in 24 la gaadhsiiyaana ka sii fiican. Maadaama oo xawaashyadani ay awood badan yihiinna waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in inta ugu yar ee suurtogal ah laga siiyo.

5. Ilmuhu cuntada dadka waaweyn waxa uu bilaabi karaa marka ay da’diisu 3 sano gaadho.

Waxaa iyaduna muhiim ah in waalidku uu u fiirsado cuntooyinka laga yaabo in ilmaha ay ku keenaan caabuq ama xasaasiyad, sidoo kale labada waalid waxaa la gudboon in ay maanka ku hayaan in ujeedada ilmaha cuntada dadka waaweyn loo siinayaa ay tahay in uu nafaqo ku filan iyo maaddooyin korniinka saxda ah ka caawiya ka helo, sidaa awgeed waa in cuntada la siinaya oo dhami ahaataa mid guriga lagu sameeyey, oo la hubo isu dheelli tirnaanteeda, iyo in aan ilmaha waxba laga sinin hudheellada cuntada degdegga ah sameeya, waayo cuntada sii diyaarsan waxaa caadi ahaan lagu badiyaa milixda iyo sonkorta.