Dhulka Uu Ku Fadhiyo Dalka Ustareeliya Oo La Xaqiijiyey In Uu Ka Dhaqaaqay Halkii Uu 22 Sano Ka Hor Ku Yaallay

0
779

Sydney (Geeska)- Cilmibaadhayaal ku xeeldheer Cilmiga dhulka ayaa sheegaya in dalka Ustareeliya oo juqraafiga casriga ahi u yaqaanno in uu kelidii qaarad yahay, uu dhul ahaan ku dul yaallo meelaha dhagaxeed ah nooca afka cilmiga loogu yeedho Plate Tectonics oo ah lakab si sahal ah u dhaqaaqa lana aaminsan yahay in uu yahay ka u sababta ah in qaaradaha adduunku u kala googo’aan sidan hadda iyada oo la aaminsan yahay in uu dhulku soo maray mar uu gobal keliya oo isku wada yaal ahaa.

Waxa ay khubaradu sheegayaan in lakabkan uu dalka Ustareeliya dul-saaran yahay uu u muuqdo in uu dhinaca woqooyi u dhaqaaqayo, lana filayo in uu sababo isbeddel dhinaca khariiradda ah oo dalka Ustareeliya halkiisa ka rara qiyaas ah Mitir iyo badh. Agaasigaha wakaaladda Geoscience oo ay dawladdu leedahay, ayaa isaga oo tusaalaynayey qaabka dadka caadiga ahi ku garan karaan in dhulku halkiisii ka yara guuray waxa uu sheegay in barkadda biyaha ee guriga ku dhex taallaa ay tusaale ahaan dhinac u guurayso mitir iyo badh. Dan Jacks waa uu intaas ku daray in sideedaba lakabka dhagaxeed ee dhulka uu dalka Ustareeliya ku fadhiyaa qiyaas 7 Sentimitir ah sannad kasta guuro, laakiin nidaamka khariiradeed ee jiraa aanu arrintaas muujin Karin, waxa aanu caddeeyey in tusaale ahaan khariiradda hadda la isticmaalo ee dalkaasi ay tahay mid waafajisan halkii uu dhulka dalkaasi ku yaallay sannadkii 1994kii taas oo macnaheedu yahay in halkaas uu ka guuray qiyaas ah hal mitir iyo badh. Waxa uu sheegay in hadda ay wakaaladdiisu waddo in si cilmiya loo xaqiijiyo halka ay dhab ahaan dhacdo Ustareeliya si xog run ah loogu saleeyo khariiradaha iyo waxyaabaha kale ee juqraafigu muhiimka u yahay.