Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Si Adag U Sheegay Inaan Lagu Ixtiraamin Madaarada Dalka

0
528

Hargeysa (Geeska)-Kalfadhigii shalay ee Golaha Wakiilada ayaa waxa hedheedhay buuq iyo sawaxan, sababay in Xildhibaanada Golaha Wakiiladu ka xanaaqaan qaabka ay Xukuumaddu ula dhaqanto, gaar ahaan marka ay Xildhibaanadu wax uga baahdaan Wasaaraddaha iyo Madaarada dalka, waxayna sheegeen in aan lagu qadarin xilkooda iyo xaasanooda Xildhibaanimo, waxayna ku baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan hawshaas wax looga qabto.

golaha11

Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo isagu ugu horeyn arintan ka hadlay ayaa yidhi "Wasaaraddihii Dawladda ee shaqada looga socday waxa Wasaarad walba la dhigay toban askari, Wasiir walba toban askari ayaa ilaaliya, oo xurmadii iyo sharaftii uu Goluhu la lahaa lama dhawrayo, oo walibana inaga oo Xildhibaano ah ayaanu maalin walba arkaynaa oo aynu ku daawanaynaa, oo aynaan waxba ka qabanaynin, awoodna weynu u leenahay inaynu wax ka qabano, Guddoomiye waxaanu ka codsanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan uguna xalka badan wax looga qabto.

In Golahuun laga hadlo maaha ee Goluhu waa inuu muujiyo awoodisa, waxaana waajib ah in Goluhu saxo waxyaabaha khaldan, maxa yeelay waa sharci dejintii, waana muhiim in mar walba la ilaaliyo sharafta iyo karaamada Golaha iyo Xildhibaanadaba, Wasaaradduhuna waa in sida ugu haboon u shaqeeyaan, xilkoodana sida ugu wanaagsan u gutaan".

 Xildhibaan Saleebaan Cali koore oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi "Dambigu meel aanu lahayn yeynaan ka ridin ee Shir gudoonka ayaa ah inuu dhawro dhawrsanaanta xubnaha Barlamaanka, iyagaa ayaa ah ninkii dambi laga galo inay ka daba tagaan, oo Dawladda la hadlaan, markaas waxaan leeyahay dambigu waa shir gudoonka ee maaha dawladda, Saddexda Shir gudoon Madaarku wuu u furan yahay, inay VIP-da tagaan wey u furan tahay,  Cid kale oo meel tagi kartaa ma jirto, iyaga Madaarku wuu  u furan yahay, inagana inooma furna, iyaga lama maago, oo Gaadhi GT-ya ayey wataan, lama weydiiyo liisanka waddo marista, askartu ma baadho, nimanka shaqadoodii gabay waa shir gudoonka".

Xildhibaan Cumar Axmed Sanweyne oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi "Haybadii dawladda Somaliland baa lagu tumanayaa, waxaana ku tumanaya cid madaarka maamusha, cida madaarka xukuntaana haddii ay edab daradaas joojin weydo waxaan soo jeedinayaa inaynu xaasanada kala noqono, mooshina waliba waanu ku soo jeedinaynaa, waana in Wasiirka Golaa la hor keenaa".

Xildhibaan Cabdilaahi Balaki oo isna arintan ka hadlaya ayaay yidhi "Madaarka oo qudha maaha ee haddii aanu qofku xurmadu leeyahay aanu Xildhibaanku ku haysan, waxaan odhan lahaa ha iska dhigo xildhibaanimada, Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Jananka iyo qolada Madaarka ha looga yeedho Golaha".

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan  oo isna ka hadlay arintan ayaa sheegay inuu dhib kala kulmay Madaarka mar uu dalka ka dhoofayey, waxaanu soo jeediyey in arintan wax laga qabto, oo aad loo ilaaliyo sharafta iyo karaamada Xildhibaanada.