Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: Amiirad Diana Iyo Doodi – Riyadii Jacayl Ee Beenoowday

0
729

1Charles iyo Camilla

Camilla iyo Charles blowgii xidhiidhkoodu waxa uu ku noqonaysaa sannadkii 1970kii, laakiin duruuf aan illaa hadda wax badan oo xog ah laga haynin ayaa kala kaxaysay, sidaa awgeed Charles waxa uu guursaday Diana, halka ay Camilla iyaduna ka guursatay Parker Bowles. Si kastaba ha ahaato ee mar kale ayaa uu soo noolaaday xidhiidhka Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Ingiriiska iyo Camilla oo ay Andrew Parker Bowles kala tageen sannadkii 1995kii kadib markii ay is qabeen 21 sano oo ay u dhashay laba carruur ah oo midkood illaa hadda ku abtirsaday Amiir Charless. Si qarsoodi ah ayaa ay Camilla oo carmal ah iyo Amiirka oo weli xaas lihi u kulmayeen laakiin aakhirkii warkii ayaa dibadda u soo baxay, waxaana aanay arrintani muran ka dhex qarxisay Amiirka iyo xaaskiisa Amiir Diana illaa aakhirkii ay sabab u noqotay burburkii qoyskooda.

Bishii Julaay 1997kii ayaa uu Amiirku qirtay in uu xidhiidh la’ leeyahay Camilla kadib markii dareen shaki iyo guux uu ka dhashay xaflad uu u qabtay munaasabadda dhalashada Camilla oo 50 jirsatay. Sannadkii 2005tii bishii Labaad oo ay Diana sii mootanayd 8 sano ayaa ay si rasmi ah isu guursadeen Charles iyo Camilla.

Amiirad Diana iyo Doodi Faayid Riyadii Rumoobi weyday:

Sawirka qormadan la socdaa waa guri Fillo kuwa lagu raaxaysto ah, oo ku taalla xeebta dalxiiska ku fiican ee gobolka Riviera ee dalka Faransiiska. Gurigan dad aad u tiro yar oo dunida maanta jooga ayuun baa iibsan kara, waayo qiimihiisu waa 100 Milyan oo Doolar, waxa uu lee yahay 30 qol oo hurdo si yaab leh u goglan ah, waxaana ku yaalla wax kasta oo raaxo adduun uu Maalqabeen uga baahan karo.

Intaas oo keliya ma’aha muhiimadda aynu gurigan u soo qaadannay, balse waa taariikhda xiisaha leh ee ku duugan gudihiisa. Waa Filladii uu Milyanneerka reer Masare ee Cimaaduddiin Muxammed Cabdalmuncim Faayid oo loo garan ogaa Doodi Faayid uu ku lab qaaday Amiiraddii caanka ahayd ee Diana. Gurigan gudihiisa ayaa ay ka bilaabatay qisada jacaylkii nasiib darrada ku dhammaaday ee dunida ugu magac dheeraa. Taariikhda ka dhexeysa Filladan dunida ugu qaalisan iyo Caashaqii Diana intaas oo keliya ma’aha, waxase ugu xiise badan in ay tahay halkii ay Amiiirad Diana ku qaadatay fasaxeedii nasasho ee ugu dambeeyey nolosheeda. Waa maalmo yar uun ka hor intii aanay iyada iyo wiilkii jacaylkiisu sixray ku Allaysan shilkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay jid dhulka hoos mara oo ku dhow caasimadda Faransiiska ee Paris.

Aynu ku sii qurxinno qisada taariikhda ka dhaxaysa caashaqii hungoobay iyo qasarkan aynu aragno ee, waa halkii sawirradii ugu caan Sanaa ee muujinayey jacaylka Diana iyo Doodi sida qarsoodiga ah looga soo qaaday iyaga oo ku dhex tamashlaynaya deegaanka quruxda badan iyo barkadaha biyaha ee Filladan, waxaa ka mid ahaa sawirkii laga qaaday iyaga oo isku dul dhunkanaya Laash kuwa lagu raaxaysto ah oo ay ka kaxaysteen badda daafta ku haysa Filladan. Bal hadda aynu qisada xagga hore ka soo bilowno; La soco…