Ka Faa’idayso Dhakhtarka: Talooyin Iyo Xog Anfacaysa Ruux Kasta Oo Doonaya In Uu Miisaanka Iska Dhimo

0
1196

Qatar (Geeska)- Barnaamijka Ciyaadatul-Jasiirah (Rugta caafimaad ee Al-Jasiira) oo ka baxa talefishanka caanka ah ee Aljazeera qaybtiisa carabiga ayaa horraantii bishii Feebarweri ee sannadkan sii daayey qayb xidhiidh la leh “Xakamaynta cuntada iyo miisaan dhimista. Dr. Raa’id Al-Calaawiyn oo ah Digtoor si gaar ah ugu takhasusay cilmiga nafaqaynta iyo xidhiidhka cuntadu la leedahay shaqada xubnaha aadamaha oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Therapeutic Nutrition oo marti ku ahaa barnaamijkani waxa uu soo jeediyey talooyin waxtar u leh xakamaynta cuntada iyo miisaan dhimista, sidoo kale waxa uu sheegay xogo muhiimad weyn u leh ruux kasta oo ku jira Cunto xakamayn, iyo miisaan dhimis. Haddaba Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan akhristayaashiisa ugu soo koobayaa talooyinkaas kuwooda ugu muhiimsanaa:

– Biyo cabbista subaxda hore waxa ay jidhka ka caawisaa in uu iska soo saaro qashinka (Sida calool socodsiinta). Waxa aanu hoosta ka xariiqay in laba koob oo biyo diirran ah oo subaxdii la cabbaa ay caloosha jilciso.

– Qanjidhka Dhuunta ee Toroodhka (Thyroid) haddii uu hawlgabo ama hoos u dhaco xaddiga Hormoonka Thyroxine ee uu jidhka ku sii deyn lahaa, dhibaatooyinka uu keeno waxaa ka mid ah miisaanka qofka oo kordha.

– Sinjibiisha iyo dhirta la midka ah, sida Qorofalka, Khamuunta iyuo busbaaska kulul waxa ay caawin karaan dheefshiidka iyo falgalka cuntada, laakiin kelidood oo aan lagu darin nidaam cunto oo caafimaad qaba iyo jimicsi waxba kama tarto miisaan dhimista.

– Caloosha waxa la iskaga ridi karaa nidaam cunto qaadasho oo caafimaad qaba iyo jimicsi la isku daro.

– Jimicsi Kelidii miisaanka ma rido, sidoo kale cuntada oo la xakameeyo lana nidaamiyaa waxba ma tarto, waa in labadaa arrimood la isku daraa.

– Rajiimka Waa aasaas u ah in la beddelo hannaanka cunto qaadasho, kadibna la joogteeyo. Waa in uu noqdaa hannaan la joogteeyo, laakiin aan adkayn, si qofku aanu isu arag in uu ka sooman yahay wax uu cunistiisa jeclaa, taasina ay halis ku tahay in jebiyo hannaankii uu dejistay oo dhan.

– Malabka oo malqacad laga cunaa waxa ay buuxisaa  faaidadii uu jidhku uga baahnaa khudradda cagaaran, laakiin dhibtu waxa weeye sida khudradda malabku caloosha uma buuxinayo, taasina waxa ay keenaysaa in qofku cuntada sidiisii hore uun u cuno.

– Xilliyada cunto oo midkood laga boodaa waxa ay keentaa uun in qofku inta uu aad u gaajoodo xilliga xiga uu cunto intii uu caadi ahaan cuni jiray ka badan cuno, taasina miisaanka waaba ay sii kordhinaysaa uun.

– Miisaan Dhimistu waxa ay u baahan tahay in qofku uu la yimaaddo go’aan adayg iyo in uu ku samro hannaanka cunto ee caafimaadka qaba iyo hawsha adag ee jimicsiga miisaan dhimista.

– Kalastaroolka Sida ugu habboon ee aad ku hdimi kartaa waa in aad xoogga saarto cabbista caanaha aan dufanka lahayn ama uu ku yar yahay, in aad iska yarayso hilibka xoolaha, In laga dheeraado cuntooyinka degdegga loo diyaariyo ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Fast Food’ in lagu baraarugsanaado cuntooyinka qaniga ku ah Kalastaroolka sida Beedka iyo Kalluunka nooca Qawqabka (Shrimp) loo yaqaanno iyo cunto kasta oo leh duxda lagu magacaabo ‘Saturatted fat’ oo keenta Kalastaroolka.