Sheekadii Na Dhex Martay Maandeeq Waxa Qoray Cumar Seerbiya

0
738

11:00 kii barqanimo maalin ayaan soo galay xafiis ku yaalla badhtamaha Hargeysa , waxa isoo gaadhay codka haweenay gudaha xafiiska ka hadlaysa inta aanan xafiiska soo wada galin ayaan hadana mar kale codkii maqlay , waxaan dareemay in uu codkani maskaxdayda ku kaydsan yahay , balse waan soo saari la'anahay qofka uu yahay .
hore ayaan u soo galay waxaan nin aanu saxiibo nahay oo xafiiska joogay ayaa yidhi "Cumar Seerbiya soo dhawaw,'

1

markii uu intaasi yidhi ayey isoo eegtay haweenaydii hadlaysay waxay sii raacisay "alla hooyo waa runtiiye soo dhawaw , saw ma tihid wiilkii weriyaha ahaa "
markii intaasi is raacday ayaan cod ka dheer kii aan dibada ka maqlaayey ku idhi "alla waa Maandeeq".

waxay igu tidhi Hooyo waa amar alle inaynu is aragnay inaga oo horena u ballanay ugu yaraan saddex jeer, waana runteed oo hore ayaan saddex jeer uga codsaday in aan la kulmo .
markii intaasi dhacday ayaan hadalkii la wareegay waxaan is isticmaalay karaankayga eraydii ugu kalgacalka mudnaa ee aan hayey.

" Waxaan dareemayaa in aan helay fursad aanan waqti iyo lacagtoona ku bixinin , waxaan hubaa lacag kasta oo aan hayo in aanan ku bedelan karin , la kulankaaga iyo la sheekaysigaaga toona inkasta oo aanan soo gaadhin waqtigii lacagta loo urursan jiray in lagu arko ".

markay halkaasi ma rayso waxa igu qabsatay hadalkii gabadh kale oo xafiiska aan kula kulmay Maandeeq ka tirsan " waxay la soo booday oo maxaad iigu sheegi waydeen inay Maandeeq tahay saw lamaan heeseen , oo waliba Heeladii la maanqaadeen, markii dambe waxa fahmay dhammaan dad kala duwan oo xafiisku shaqo u hayey , intaas waxii ka dambeeyey waaban arki waayey meel aan u maro iyo si aan ula hadlo toona ma awoodin oo dad badan ayaa nagu soo ururay oo midkastaaba hadal ama sawir rabo inuu waqtiga uga faa'idayso , balse inay kaligay i dhagaysanaysay ugu yaraan 10 daqiiqo ayaan meeshaasi kala tagay farxad iyo faa'iidaba