Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: Amiirad Diana Iyo Doodi Faayid- Riyadii Rumoobi Weyday

0
625

1Dabayaaqadii bishii Noofamber 1955kii Amiirad Diana ayaa ka soo muuqatay talefishannada BBC iyo ABC, waxa ay siisay laba waraysi oo dhaadheer oo ay kaga hadashay xidhiidhka ay la’ lahayd saygeeda Amiir Charles iyo qoyska boqortooyada ee ay u dhaxday, laga soo bilaabo maalintii koowaad illaa markii ay kala tageen. Diana waxa ay waraysiyadan kaga sheekaysay xidhiidhadii ay guurka Charles ka hor lahayd iyo kuwii dambe ee furniinka kadib. Waxa ay ka sheekaysay jacaylka ay u haysay Doodi Alfaayid. Hadalladeedana waxaa ka mid ahaa, Maalintii arooskayaga (Iyada iyo Charles) waa maalinta ugu xun maalmaha noloshayda i soo maray. Bilowgii ma’aan doonayn in aan xidhiidh la yeesho Charles, laakiin waxa aan ku ogolaaday cadaadis igaga yimid qoyskayga iyo dad kale oo aanu isku dhoweyn. Berigaas (Guurka ka hor iyo markii ay is-guursadeenba) waxa aan maqli jiray warar la isla dhex marayey oo sheegayey in xidhiidh uu ka dhexeeye Amiir Charles iyo Camilla Parkers. Xitaa marar badan waxa aan isku dayey in aan is dilo aniga oo ka ordaya guurka Charles, mar ka mid ahayd waxaa aan jaray xididka halbawlaha ah ee gacanta qaybta xididdalayda mara, kadib markii uu Charles hadyad ahaan iigu keenay gacan dahab ah oo ay xidhan jirtay saaxiibaddii Camilla. Qoyska boqortooyadu waxa ay iga doonayeen in aan noqdo amiirad mucjiso ah oo inta ay u timaaddo wax kasta oo ay taabataa isu beddeli doono dahab, cabsida ay qabeen oo dhamina meesha ka baxdo, laakiin wax badan kama ay aqoonin miskiinadda aan aqoonin sida loo jilo doorkaas oo kale”

Amiirad Diana waraysigan dunida oo dhan laga xiiseeyey ee ay siisay labadan talefishan ee caalamiga ah waxa kale oo ay ku tidhi, “Xidhiidhka anigu saaxiibbaday la’ lahaa xuduudka saxda ah kama uu tallawsanayn. Waxa la iga faafiyey oo dhamina waa been abuur iyo khayaali. Tusaale ahaan James Hewitt waxa uu ahaa tababare fardo-fuulka bara qoyskayaga, sidaa awgeed, arrin dabiici ah ayaa ay noqonaysay in aan ka ag dhowaadaa”

Si kastaba ha ahaato ee waxa ay amiirad Diana waraysiyadan ku qiratay in xidhiidh gaar ahi ka dhexeeyey xiddigii James Gilley, oo weliba ay xidhiidh la’ lahayd intii ay is qabeen Amiir Charles, waxase ay ku andacootay in xidhiidhkaasi aanu gaadhsiisnayn gogol dhaaf, iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “James Gilley isna xidhiidhkayagu waxa uu ku koobnaa dhunkasho, waxa aanu ahaa markii aan ka daalay ee aan ka niyad jabay la sii joogga Charles. Haddii qofku uu daal iyo niyad jab ka qaado qof, waa ay ku adag tahay in uu sii wado raalli gelintiisa” Diana waxa ay intaas ku sii dartay, “Sannadihii hore ee guurkayaga, intii awooddayda ah ayaa aan isku dayey in aan si gaar ah u ilaaliyo muuqayga duleed iyo labbiskayga si aan u waafajiyo sida ay iga doonayeen qoyska boqortooyadu, waxa aan isku dayey in aan sameeyo wax kasta oo la iga doonayey si aan u raalli geliyo qoyska. Laakiin kuma aan sii jiri karayn noloshan xitaa ninkaygii Charles uu weli ku sii adkaysanayo siina wado xidhiidhkii uu la’ lahaa Camilla”

Haweenayda qoraaga ah ee Anna Pasternak ayaa buuggeeda “Amiiraddii Caashaqu helay” kaga warrantay xaaladdii adkayd ee ay nafsad ahaan waajahday Amiirad Diana markii ay guursatay Amiir Charles iyo sida ay isu beddeshay jacaylkii Dooddi kadib, waxa aanay qortay, “Guurka ka hor wax yaabo badan ayaa ay diidanayd, gaar ahaan waxa ay dareensanayd in xusuusta Camilla Parker ay weli ku dheer tahay maskaxda Amiir Charles. Laakiin haddana si hoose uma ay ogeyn illaa xadka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka weli sii jiray ee Charles iyo Camilla. Si aan hubsiimo lahayn ayaa ay isaga aamintay in xaalku iska fiicnaan doono marka ay xaas u noqoto Amiir Charles, oo uu ka wada go’i doono Camilla. Waxa ay ahayd inan aad u da’ yar oo aan waayo-aragnimo badan lahayn, sidaa awgeed ma’ay fahmi karayn awoodda kakan ee jiidanaysay amiirka leh dhaxalka boqortooyada Ingiriiska” La soco…