Ka Faa’idayso Dhakhtarka: Talooyin Iyo Xog Anfacaysa Ruux Kasta Oo Doonaya In Uu Miisaanka Iska Dhimo (3)

0
547

1Qatar (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan akhristayaashiisa ugu soo koobayaa talooyin iyo xogo anfacaya ruux kasta oo doonaya in uu miisaanka iska dhimo, kuwaas oo uu Dr. Raa’id Al-Calaawiyn ka sii daayey Barnaamijka Ciyaadatul-Jasiirah (Rugta caafimaad ee Al-Jasiira) oo ka baxa talefishanka caanka ah ee Aljazeera qaybtiisa carabiga.

– Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu sheegay in qofka oo mara Rajiim ama nidaam miisaan dhimiseed oo aan cilmiyeysnayn ay ku keento daal iyo burbur joogto ah, saamayn taban oo la arki karana ku yeelato xusuustiisa.

– Mararka qaarkood marka uu qofku ku jiro geeddi-socodka uu miisaanka isaga ridayo waxaa dhacda in uu jidhku gaadho meel uu joojiyo gebi ahaanba in miisaanku is-dhimo. Xaaladda sidan ah waxaa afka Ingiriisiga lagu yidhaahdaa Plateau oo macnaheedu noqonayo meel siman ama aan laga sii shalwan /Siiban Karin. Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu ku talinayaa marka ay xaaladdaas oo kale qofka ka hor timaaddo in uu maalin iyo laba hakiyo Is-xakamaynta (Rajiimka), kadibna dib u sii ambaqaado ama in uu kordhiyo xaddiga jimicsi ee uu marka hore ku soo socday.

– Miisaanka qofka fuulaa waa laba nooc; midi waa marka ay xaydhu ku soo ururto caloosha iyo hareeraheeda, nooca kalana waa marka ay xaydhu ku fidsan tahay caloosha, bowdyaha iyo miskaha.

– Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu ku taliyey in laga fogaado rajiimka (Is-xakamaynta) aadka u adag, waayo waxa uu ku dhisan yahay in nafta wax badan laga xakameeyo, taasina waxa ay keenaysaa in naftu ay xiisayso cunista iyo ku dhaqanka waxa laga mamnuucayo.

– Bunku ma kordhiyo miisaanka, laakiin inta miisaan dhimista la wado waa in laga ilaaliyo sonkorta iyo caddayska labadaba.

– Ugu dambayntii Digtoorku waxa uu ka digay in qofku marka uu cuntada cuno uu toos u abbaaro hurdada. Waxaa fiican cunto kasta dabadeed in qofku uu waxoogaa soc-socdo ama xarakaad uun sameeyo, iskana jiro in uu jiifsado isaga oo dharagsan. Dhammaad