UK: Cameron Oo Qiray In Reerkiisu Maalgashi Ku Lahaayeen Shirkadaha Lala Xidhiidhinayo Fadeexada Panama Papers

0
524

Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey in reerka uu kasoo jeedo ay maalgashi ku lahaayeen shirkadaha lala xidhiidhinayo fadeexada Panama Papers ee lacagtooda dhigtay dibada wadankooda si aanay u bixin canshuurta.

cccccccc

Fadeexada Panama Papers oo todobaadkii lasoo dhaafay qeybo kamid ah la shaaciyey ayaa waxaa lagu sheegay magacyada Tujaarta dunnida iyo siyaasiyiinta lacagtooda dhigta dalalka dibada si aan loo ogaan dhaqaalaha ay heystaan iyo waliba inay ka baxsadaan bixinta canshuuraha dalalka ay kasoo jeedaan.

Ian Cameron oo ah aabihii dhalay Raysalwasaare Cameron ayaa kamid ahaa xubnaha magacyadooda ku xusnaa waraaqaha laga xaday shirkadaha weyn ee Mossack Fonseca oo banaanka soo dhigtay fadeexadan.

David Cameron ayaa sheegay in uu iibiyey dhamaan maalgashigii ugu jiray shirkada lagu magacaabo Blairmore Investment Trust, afar bilood kahor intaanu xilka qaban 2010, walow uu qiray iibkaasi inuu ka sameeyey faa’iido aan laga bixin wax canshuur ah gudaha dalka Ingiriiska.

Fadeexada Panama Papers ayaa waxaa shaaciyey koox qarsoon oo la sheegay inay jabsadeen computerada shirkada Mossack Fonseca oo laga xaday malaayiin xogtii ugu kaydsaneyd serverkooda, waxaana ku jiray xogtaasi lacagta iyo magacyada madaxda iyo tujaarta caalamka ee lacagtooda ku qarsada wadanka Panama si aysan u bixin canshuur ama aan loo ogaan lacagta ay ka qaataan dalalka ay kasoo jeedaan.

Madaxda magacyadooda lagu sheegay fadeexadan ayaa waxaa ku jira qaar kamid ah Boqortooyooyinka Carabta sida Boqor Salmaanka Sacuudiga, Boqortooyada Qatar, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo la sheegay in si farsameysay lacag gaadheysa 2 bilyan oo dollar u dhigtay dibada, waxaa kaloo ku jiray dad caan ah oo ay ku jiraan jilayaasha aflaamta iyo waliba ciyaaryahano uu kamid ahaa Lione Messi.

Xogtan laga xaday shirkada saldhigeedu yahay dalka Panama ayaa waxaa lagu wareejiyey suxufiyiin xarun ku leh magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka kuwaasi oo kadib xogtaasi u qeybiyey jaraa’idka waaweyn ee caalamka. Waxaase shaki weyn laga qabaa in kooxda ka danbeysa fadeexadan ay xidhiidh la leedahay dowlada Maraykanka, maadaama xogta illaa iyo hada la shaaciyey aanay ku jirin sirta Siyaasiyiinta Maraykanka.