Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: Amiir Charless Iyo Diana Qoyskii Ku Burburay Khiyaamada

0
677

1Diana Amiiraddii Wales oo noolad intii u dhexeysay 1961kiii 1997kii waxa ay ahayd xaaska Amiirka leh dhaxalka boqortooyada dalka Ingiriiska Charles oo ay dhashay boqoradda Ingiriiska Elizabeth II.

Diana Spencer oo qudheedu isirk hore ku lahayd qoys boqortooyo waxa ay Amiir Charles is guursadeen sannadka 1977 oo ahayd 16 sano jir keliya, waxaana la sheegaa in marka hore uu amiirka oo diyaanak a weynaa 13 sano uu Diana walaasheed la haasaaway laakiin mar dambe uu haddana dhinaca Diana u baydhay.

Inta badan Diana waxaa rayulcaama dunida oo dhan u galay in ay ahayd gabadh fiican oo saygeeda amiirka ahi gabadh kale la khiyaameeyey, laakiin marka taariikhda qoyskan si hoose loogu gundo dego waxaa muuqanaysa in ay ahaayeen lammaane midiba kan kale khiyaameeyey. Waa run in ay dadka qaar ku doodaan in khiyaamada uu kaga horreeyey amiirku, waxase jirta dood barbar socota oo ahayd in aan xitaa la garan Karin kooda ku horreeyey, oo mid kastaa hoos u watay khiyaamadiisa.

Haddaynu raacno sheekada ah in Amiir Charles uu ku horreeyey, Diana waxa ay qaadatay goaanka ahaa in ay khiyaamadaas mid la mid ah ku guddo. Markii Amiir Charles uu si badheedh ah Talefishannada uga qirtay in Diana uu khiyaameeyey oo muddo uu xidhiidh qarsoodi ah la’ lahaa Camilla oo isaga hal sano ka weynayd, kana dhexeeyey jacayl guun ahaa oo ka da’ weynaa xitaa guurka Diana. Isla markaana uu si cad u sheegay in uu gogol-dhaaf sameeyey, ayaa ay Diana iyana kaga jawaabtay waraysi ay siisay talefishanka BBC oo ay ku qiratay in ay xidhiidh la lahayd James Hewitt oo ka tirsanaa ciidamada fardo-fuulka kana shaqayn jiray tababarka kaxaynta fardaha ee qasriga boqortooyada. Haddii dadka oo dhami u qaadan waa afka kala qaadeen markii Charles uu sidan anshax darrada ah u sheegay dhaqan xumadiisa waxaa amakaag awgii lala wada aamusay qiraalka Diana oo lagu macneeyey dhirbaaxo ku dhacday dhabanka boqortooyada oo dhan. Khiyaamada Diana intaas kuma ay joogsan ee waxaa sidoo kale la ogaaday in ay xidhiidho gaar ah la’ lahayd sarkaal ka tirsanaa booliiska oo ahaan jiray ilaaliyaheeda gaarka ah Diana, laakiin Diana waxa ay si aad ah u beenisay in ay xidhiidh gogol-dhaaf ah la yeelatay sarkaalkan Barry Mannakee oo shil baabuur ku geeriyooday.

Markii Amiir Charles iyo Diana kala tageenna waxaa soo baxay liiska magacyada rag cusub oo la ogaaday in ay Amiiraddu xidhiidho qarsoodi ah la’ lahayd. Waxaa ka mid ahaa Will Carling oo ahaa xiddig kubadda Rubgy, Christopher Villiers oo ka shaqansan jiray iibka iyo kirada guryaha, Philip Atrhos oo ahaa bangiyada ku xeeldheeraa, heesaagii weynaa ee Bryan Adams iyo John F. Kennedy-gii yaraa oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Maraykanka, shil diyaaradeedna ku dhintay sannadkii 1999kii iyo ugu dambayntii Cimaad Alfeyd oo isaga ay gaadhiga wada saarnaayeen kuna wada dhinteen shilkii baabuur ee ay Diana ku geeriyootay.