Malabku Waxa Uu Daweeyaa Nabarrada Caabuqu Galo Ee Bogsan Waaya, Waxa Aanu Ka Hortegi kara Indho Beelka

0
370

1London (Geeska)- Xeeldheerayaal caafimaad oo ka tirsan jaamacadda Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in malabku uu dawo dhaqameed taariikhiya ahaa muddo aad u dheer, dadkii horena u adeegsan jireen daweynta xanuunno badan oo ay sababaan Fungus ku. Xeeldheerayaashan oo u warramay Idaacadda Russia Today ee dalka Ruushka ayaa sheegay in uu malabku ay suurtogal tahay in uu burburiyo Fungi indho la’aan ku keena qofka.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in maaddooyinka iyo waxyaabaha uu malabka ka kooban yahay ay awood u leeyihiin in ay burburiyaan dahaadhka sare unugyada ay isku hoos sameeyaan Fungiyadu, arrintaas oo dawooyinka hawl badan iyo tayo badan uga baahan.

Khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in boqolkiiba 60 illaa 80 cudurrada aadamaha ku dhaca  ee caabuqu sababo, ay xidhiidhi la’ leeyiin caabuq jiitamay muddo dheer iyo nabarro bogsan waayey oo Fungi ku jiro, waxa aana inta badan sababa isticmaalka dawooyinka dila jeermiska ee Antibiyootikada (Antibiotics) loo yaqaanno ee saamaynta ballaadhan leh.

Natiijada daraasaddan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay sheegaysaa in Fungiyada iyo noolaha kale ee ili-ma-qabatayga ahi marka ay nabarrada (Dhaawacyada) ku dhashaan waxa ay samaystaan dahaash sare oo baayoloji,  taas oo adkaysa daweynta nabarrada, sababi kartana in uu riiq-dheeraado nabarku. Laakiin imika culimadan waxaa u caddaatay in ay suurtogal tahay in malabka loo adeegsan karo in la daweeyo nabarradan xaaladdan oo kale ah, waayo waxa uu awood u leeyahay in uu dahaadhkaas sare burburiyo oo nabarka uu toos u gaadho iyo in uu si dhaqso ah u dhayo una bogsiiyo.

Qur’aanka Kariimka ah ayaa uu Alle (SWT) hore ugu sheegay in malabku uu dawo yahay, sidoo kale Nebi Muxammed (SCW) ayaa hore wax ugu dabiibay malabka, sidoo kale Malabku waxa uu dawo u ahaa ummado hore oo taariikhda dunida soo martay. Tan iyo markii uu tisqaaday cilmiga casriga ah ee caafimaadkuna waxaa si joogto ah u soo baxa daraasado sii caddaynaya in malabku uu dawo ka yahay cudurro badan oo qaarkood uu kaga fiican yahay daweyntoodana kaga dhaqso badan yahay dawooyinka lacagta badan iyo tijaabooyinka lagu sameeyo ee la isticmaalo oo iyagu marar badan qofka kaga taga raad dhibaato ku keena mustaqbalka.