Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: 2 Boqoradood, Caashaqii Fannaaniita Iyo Qasriga Tumashada

0
730

Fariidah waxa ay ahayd gabadh deggen, caqli badan, kalgacalka ay saygeeda u haysana aan qarsan, magaceeda caadiga ah waxaa la odhan jiray Saafinaas Dul-faqaar, laakiin saygeeda Boqor Faaruuq ayaa u bixiyey Fariidah isaga oo ku dayanaya aabihii Suldaan Axmed Fuaad oo mar uu booqasho ku tegey dibadda uu faaliye Talyaani ah oo uu la kulmay u sheegay in xarafka F uu yahay xarafka u sida farxadda iyo hoodada isla markaana u ah balaayo xijsaab.

Fariidah 15 sano jir ayaa ay ahayd markii ay is barteen boqor Faaruuq. Boqor Faaruuq illaa xadka uu jeclaa Fariidah waxaa innagaga filan qisadan; maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay Fariidah dhacday iyaga oo la joogo meel barafley ah oo loo ciyaar iyo jimicsi tegey, boqorka oo meel durugsan ka joogay ayaa inta uu si aad ah ugu soo orday markii uu soo gaadhay kor u qaaday oo xambaartay. Marka la eego dhaqanka qabka leh ee boqortooyada lagu yaqaannay iyo dhaqankii carbeed ee diiddanaa in dumarka loo muujiyo sarrayn, arrintani waxa ay ahayd u qaadan waa, sidaa awgeed waxa ay sababtay in boqorka hablihii ay wada dhasheen ee amiiradaha ahaa ay aad uga cadhoodaan oo weliba ay ku canaantaan sababta uu gabadha u qaaday.

Jacaylka Fariidah iyo boqor Faaruuq waxa uu kulayl iyo khilaaf madaxa la galay, markii boqorka oo sida saxan u fikirayaa uu bilowgii go’aamiyey in qasriga boqortooyada aanu ka rarin hooyadii oo dabcan uga soo horreysay isaga markii uu aabihii boqorka ahaa iyo inantooda. Sida taariikhdu sheegaysa boqorka hooyadii Naasili waxa ay farogelin iyo culays joogto ah ku haysay boqoradda cusub ee wiilkeedu qasriga ku soo kordhiyey. Waxa ay xogxogaalku sheegeen in Naasili oo ay dhaqannadeeda kale ee kakan kor ku soo aragnay ay boqoraddan inankeedu qabo dhadhansiiso nooc kasta oo ciqaab iyo dullayn aadame aadame badi karo ah.

Qasirigii weynaa ee farxadda iyo noloshu u dhammayd ayaa Fariidah ku noqday xabsi albaabo adag leh, xitaa ninkii Faaruuq ee bilowgii soo dhoweynta fiican u sameeyey, kuna dadaali jiray in aanay agtiisa ka dheeraan ayaa hidda raacay dhaqannadii xumaa ee hooyadii. Doonistiisa ayaa uu dabarka ka furay oo tumasho iyo balwado dhaqan xumo ah ayaa caado u noday. Halkaas ayaana bilow u ahayd in uu xumaado xidhiidhkii jacayl iyo xiisaha kalgacal ku bilowday ee Faaruuq iyo Faridah, sidoo kale dhaqan xumadaas ayaa bilow u noqotay dhicistii qoyska boqortooyada iyo burburkii ku dhacay taashkooda.

Waxa ay gaadhay in hablo qurux badan oo jinsiyado kala duwan ah la keeno qasriga, kadib boqor Faaruuq inta uu soo dhex galo uu ka xusho hadba ta uu naftiisa la door bido, isaga oo aan dib u eegin xaaskiisii quruxda badnayd iyo dalkiisa weli gumaystuhu haystay midna. Ceeb ma’aha haddii la yidhaahdo Boqor Faaruuq waxa uu noqday Shabeel-naagood ee hammi iyo qammi kale lahayn. Fariidah oo ka xun waxa dhacayey, inta ay hinaase dhaaftay ayaa ay gaadhay heer ay u naxdo xaaladda uu saygeedii boqorka ahaa ku sugan yahay, talo, waano iyo wax-u-sheeg waa ay kala daaleen, wacad kasta oo uu u marana saacado kadib ayaa uu burin jiray.

Warkii dibadda ayaa uu u soo baxaana la ogaaday in sheekada hablaha qasriga la keeno iyo in boqorku uu si aad ah uga helo dumarka fanka iyo heesaha ku dhex jiray ee caanka xilligaas ahaa. Waxaa ka mid ahayd Kamiiliya oo ka mid ahayd hablihii xilligaas fannaaniinta ahaa kuwa ugu quruxda badnaa, isla markaana ahayd gabadha ugu caansanayd jacaylladii badnaa ee boqor Faaruuq.

Kamiiliya oo la sheego in ay Yuhuuddii Masar deggenayd ka dhalatay ayaa la aaminsan yahay in ay si qarsoodi ah ugu shaqaynaysay haayado sirdoon oo Yuhuud ah, kana shaqaynayey qorshayaal iyo dano lagu dhisayo dawladda Yuhuudda. Gaar ahaa Kamiiliya waxaa loo diray in ay ka shaqayso sidii aanu boqorku u qaadan lahayn wax go’aan ah oo uu ku garab istaagayo Falastiiniyiinta.

Xitaa xaasii dhakhtarkiisii gaarka ahaa ayaa ka nabadgeli weyday Faaruuq, sida taariikhda ku xusan Dhakhtarkiisa gaarka ahaa ayaa uu kala baxay xaaskiisa oo la odhan jiray Naahid Rashaad. Waxa uu dejiyey guri ka mid ah qasriga boqortooyada, waxa aanu ugu marmarsooday in uu u magacaabay in ay gacanyare iyo shaqaale gaar ah u noqoto boqorka walaashii Fawsiya oo uu qabi jiray Shaahii (Boqorkii) Iiraan ee Maxamed Ridaa Bahlaawi. Waxaa la sheegaa in boqor Faaruuq uu sawir weyn ka sameeyey xaaska uu dhakhtarka ka qaaday, kadibna sawirkaas oo qof caadiya le’eg oo qaawan uu ku dhejistay mid ka mid ah gidaarrada qasriga. La soco…