Dhakhtar Anshaxdarro Ku Kacay Oo Laga Mamnuucay Abid In Uu Caafimaadka Ku Shaqeeyo

0
1482

Maxkamad ka garsoorta dacwadaha la xidhiidha caafimaadka iyo anshaxa dhakhaatiirta oo uu leeyahay Ingiriisku, ayaa dhakhtar u dhashay dalkaas ka tirtirtay liiska dhakhaatiirta dalka, kana mamnuucday in abid uu ku shaqeeyo dhakhtarnimo. Maxkamadda oo magaceeda loo soo gaabiyo (MPTS) ayaa go’aankan gaadhay kaddib markii ay caddaatay, in dhakhtarkani isaga oo dab adeegsanaya uu xarafka ugu horreeya magaciisa ku saxeexay Beerka laba bukaan ah oo uu beer u gelinayey.

Dhakhtar mar dambe qalliin Beerka ah ku sameeyey mid ka mid ah bukaankan ayaa si kedis ah u arkay falkan anshaxdarrada ah oo uu ka warbixiyey. In kasta oo aan la sheegin dhib caafimaad oo tallaabadani u geysatay Bukaanka, haddana waxa ay noqotay anshaxdarro, waxa aanay maxkamaddu sheegtay in ay go’aankan adag u qaadatay si looga hortago in ay lunto kalsoonida ay dadku ku qabaan dhakhaatiirta.