Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Beeniyey Inuu Iscasilay

0
633

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim (Ataash) ayaa beeniyay inuu Iscasilay.

Gelinkii dambe ee Arbacadii Shalay, ayaa waxa Warbaahinta Bulshadu ku wada xidhiidho waxa lagu baahiyey Warar sheegaya inuu Icasilay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ka mid ahaa Wefti uu Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayey oo Shalay ka soo laabtay dalka Itoobiya.

Laakiin, Wasiir Ataash oo Warbaahintu xidhiidh la samaysay, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin Warka lagu sheegay inuu Iscasilay “Shaqo ayaan ka imid, Qarankana waan u shaqaynayaa, Waxbana kama Jiraan Wararkaasi oo waa Been abuur..” ayuu yidhi Wasiir Ataash.

Wasiirka Gaadiidka ayaa ka mid ahaa Wefti uu Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayey oo Safar ay ku tageen dalka Itoobiya Shalay ka soo laabtay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office