Duuliye Diiday In Uu Kiciyo Diyaaraddii Uu Waday Oo Aan Dhammaysan Duulimaadkeeda Isaga Oo Ku Andacoonayo In Saacaddiisii Shaqada Dhacday

0
1441

Duuliye ka tirsan shirkadda duulimaadyada dalka Baakistaan ayaa diiday in uu sii wado duulimaadka diyaaraddii uu waday. Duuliyahan ayaa diidmadiisa ku sababeeyey dood ah in uu dhammaaday waqtigiisii shaqada, sida uu weriyey talefishanka Samaa oo laga leeyahay Baakistaan.

Diyaaraddan tirsiga oo duulimaadkeedu ahaa PK9754 qorshaha duulimaadkeedu waxa uu ahaa in ay ka haaddo magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga duulimaad ku jihaysnaa magaalada Islaamabaad, laakiin waxaa dib u dhac ku keenay cimilada oo xumayd. Sidaas awgeed waxa uu duuliyihii go’aansaday in uu si kedis ah ugu dego garoonka diyaaradaha ee Dammaam, halkaas oo intii cimilada wanaaggeeda laga war sugayey ay dhammaadeen saacadihiisii shaqada. Markii cimiladu hagaagtay waxa uu duuliyahani diiday in uu diyaaradda kiciyo isaga oo ku doodaya in saacaddii shaqada dhammaatay. Dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa ayaa si weyn uga horyimi in wax ka beddel lagu sameeyo waqtiga duulimaadka, taas oo kalliftay in ay soo dhexgalaan masuuliyiinta ammaanku.

Si kastaba ha ahaato ee duuliyuhu go’aankiisa waa uu ku adkaystay, shirkadda duulimaadyada diyaaradaha Pakistan ee PIA oo ay dawladdu leedahayna waa ay ku waafaqday go’aankiisa. “Duuliyuhu waa in uu nastaa, arrintaasi lagama maarmaan ayaa ay u tahay badqabka duulimaadka. Dhammaan rakaabku 11 habeennimo waa ay gaadi doonaan Islaamabaad, inta waqtigaas la gaadhayana waxaa la idiin diyaariyey huteello” waxaa sidaas dadka rakaabka ahaa ku yidhi afhayeen u hadlay shirkadda PIA.