Dhagax Culayskiisu Yahay 132 Ton Oo Qof Kastaa Uu Si Fudud U Dhaqaajin Karo

0
1503

Keyn lagu magacaabo Huelgoat oo ku taalla woqoogiga bari ee Faransiiska waxaa yaalla dhagax weyn oo dalxiiseyaashu si aad ah u daneeyaan. Dhagaxan oo aragtida koowaad kula muuqanaya dhagax caadiya waxaa lagu naanaysaa dhagaxa gilgilma. Sababta magacan loogu bixiyey ayaa xiise gaar ah leh, waana isla sababta ay dadku ugu naanaysaan ‘Dhagaxa Cajaayibta’.

Waa dhagax weyn oo Nooca Granite ka loo yaqaanno ah, waxa uu ku fadhiyaa dhul cabbirkiisu 7 Mitir dhanyahay miisaankiisuna waa 137-ton oo u dhiganta 137000 kiiloogaraam. Marka miisaankaas iyo baaxaddaas uu leeyahay eego aragti ahaan qof kasta maskaxdiisa waxaa ku soo dhacaysa in uu yahay dhagax aanay cidi dhaqaajin karin haddii aan qalab loo adeegsan. Waxa se ay yaab noqonaysaa marka qof kastaa itaal kasta oo uu leeyahay uu si fudud u dhaqaajiyo dhadhaabtan.

Guud ahaan deegaanka Huelgoat ee dalka Faransiiska waxa uu caan ku yahay dhagaxaan waaweyn, iyo calaamado jiyooloaji oo dadku aad u xiiseeyaan. Laakiin dhagaxan gigilmayaa waa kan ugu caansan deegaankaas. Sababta arrintan keenaysa weli si cilmi ah looguma kuurgelin.