Kharashka Rukhsadda BBC Oo La Joojinayo 2027 Ka Iyo Maalgelintii La Siin Jiray Oo La Laalay

0
1538

Dawladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay sannadka 2027 joojinayso lacagtii ay ku bixin jirtay rukhsadda BBC du ku shaqayso, sida oo kalana labada sano ee soo socda gudahooda ay laalayso lacagihii ay ku maalgelin jirtay BBC-da, taas oo BBC ku qasbi doonta in ay adeegyadeeda qaar xidho iyo in ay samayso shaqaale dhimis dheeraad ah.

Xoghayaha dhaqanka ee dawladda Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in rukhsadda hadda ee BBC ay ku eegtahay sannadka 2027 ka.

BBC ayaa la sheegayaa in marka la gaadho 2027 ka ay ku qasbanaan doonto in ay xukuumadda kala xaajooto nidaam iyo siyaasad maalgelineed oo ay ku heli karto kharashka ay ku sii shaqaynayso. Dhinaca kalana waxaa jira warar aan weli la xaqiijin oo sheegaya in xalalka ay BBC ku waajahayso dhaqaale xumadu in ay ka mid tahay in daawashadeeda ay lacag ka dhigto, in ay saamiyo ka iibiso dad madaxbannaan oo ay noqoto shirkad qayb ahaan madaxbannaan.

Ilo uu soo xigtay wargeyska ka soo baxa Ingiriiska ee ‘The Guardian’ ayaa sheegaya in uu dhammaaday waqtigii ay dawladda Ingiriisku si buuxda gacanta ugu hayn jirtay idaacadda BBC. Tan iyo sannadkii 2010 kii waxaa si isdabajoog ah u dhacayey Kharash dhimis ay xukuumadda Ingiriisku ku samaynaysay kharashaadka ay ku bixiso shaqada iyo rukhsadda idaacadda BBC da. Masuuliyiinta BBC ayaa iyaguna ku doodayai n aanay dawladda Ingiriis ay faa’idooyin badan u leedahay siyaasadda Arrimaha dibadda ee Ingiriiska iyo diblumaasiyaddiisa Caalamiga ah, waxaa iyaduna ka sii muhiimsan in ay ka qaybqaadato wanaajinsta sawirka quruxda badan ee dalka iyo dadka Ingiriiska, sidaas awgeed ay istaahisho in ay ku shaqayso cashuurta dadweynaha ee ay xukuumaddu ku maalgeliso.

Caadi ahaan dawladda Ingiriisku waxa ay qoys kasta oo muwaadin ah ka qaaddaa lacag yar oo qaadhaan ah oo lagu tilmaamo abaalcelinta daawashada shabakadda BBC, lacagtaas ayaa noqota in sannadkii uu qoys kastaa bixiyo 170 doolarka Maraykanka ah, taas oo la filayo in sababaha sicirbararka awgeed ay sannadkan gaadhayso 200 oo doolar. Xukuumadda raysalwasaare Boris Johnson ayaa go’aansatay in dabayaaqada 2024 ka ay bilowdo hoos u dhigista kharashka ay ku bixiso rukhsadda iyo shaqada BBC, waxa aanay si tartiib ah hoos u dhigistaa u wadi doontaa illaa sannadka 2027 ka oo ay gebi ahaantiiba laali doonto.

Maxaa ka dhalan kara go’aankan

Marka go’aankan la dhaqangeliyo, ee si buuxda loo joojiyey lacagta la joojiyo, BBC waxa ay waayi doontaa 4 Bilyan oo doolar oo dakhligeeda ka mid ah, illaa haddana lama garan karo sida ay ku kabi doonto kharashaadka ay lacagta la jaray ku bannayn doonto, si kastaba ha ahaato ee waxaa jira wadahadallo ay xukuumadda Ingiriiska kala yeelanayso sidii loo heli lahaa dariiqyo cusub oo ay maalgelin ku hesho.

Xaaladdan cusubi waxa ay keeni doontaa in ay yaraato miisaaniyadda shabakadda BBC oo waayo doonta boqollaal Malaayiin oo doolar, taasina waa hubaal in ay saamayn taban ku keeni doonto baraamijyadeeda iyo tayada waxyaabaha ay baahiso.

Maxaa qaraarkan lagu sababaynayaa?

Xukuumadda Ingiriisku waxa ay sheegtay in la gaadhay waqtigii laga fikiri lahaa hababka cusub ee ay maalgelin ku heli karto. Laakiin dhinaca kalana ujeedooyin siyaasadeed kama madhna arrintan; xukuumadda raysalwasaare Johnson waxa ay hadda ku jirtaa dhibaatooyin kala duwan, waxa aanay doonaysaai n ay isu muujiso in ay muwaadiniinta ka yarayso kharashaadka dheeraadka ah ee ay bixiyaan, taas oo ay filayso in ay taageeradeeda kor u soo qaadi doonto.

Sida ay sheegtay wasiirka dhaqanka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries, waxa ceeb ah in muwaadiniinta lagad raadsado guryahooda si loo ogaado in ay bixiyeen kharashaadkii billaha ahaa ee BBC da. Arrintaas oo sababta dacwado maxkamadaha horyaalla.

Shabakad cusub

Wargeyska ‘The Mail on Sunday’ ayaa ilow ka agdhow xukuumadda Ingiriiska iyo maamulka Shabakadda BBC ka soo xigatay, in go’aanka 2027 ka ee joojinta dhaqaalaha la siiyo BBC uu yahay go’aan kama dambays ah, waxaana shabakadda waajib ku ah in ay beddesho hannaanka ay u isticmaasho kharashaadkaas. Isla ilahaas ayaa uu wargeyskani ka soo xigtay in ay ku qancaan in BBC aanay sii ahaan doonin sidii ay hore u ahaan jireen, “Arrinkeedu waa uu dhammaaday”

Go’aankani saamayn ma ku yeelan karaaa Tayada baahineed ee BBC?

Wargeyska ‘The Guardian’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa sawir madow badani hadheeyey ka bixiyey sida ay noqon doonto xaaladda BBC, marka la joojiyo lacagaha ay dawladdu ku maalgeliso. Warbixin uu Wargeysku arrintan ka sameeyey waxa uu ku sheegay in hadda kaddib ‘BBC’ da laga filan doono barnaamijyo iyo waxsoosaar ka tayo yar sida ay hadda tahay, baahinta ciyaaraha oo sidii hore ka yar, iyo in ay soosaarto barnaamijyo ka Kharash yar kuwii hore, taas oo macnaheedu yahay in tayadii waxa ay soo saaraysaa ay intii hore ka yaraanayso.

Wargeysku waxa uu saadaaliyey in kanaallada qaarkood la xidhi doono, ama la jari doono barnaamijyo badan, taasina ay saamayn ku yeelan doonto taageerada iyo jacaylka loo hayo idaacadda BBC.

Bishii Oktoobar 1922 ayaa la aasaasay idaacadda BBC, oo ay maalgelinteeda si buuxda u bixiso dawladda Ingiriisku. Tan iyo waqtigaasna waxa ay guud ahaan dunida ka kasbatay magac fiican iyo kalsooni badan oo loo qaaday tayada waxa ay baahiso iyo ilaalinta anshaxa mihnadeed. Dadka ingiriiska ahina si gaar ah ayaa ay kalsooni badna ugu qabaan shabakadda BBC oo leh kannaalo kala duwan oo isugu jira warar, ciyaaro iyo arrimo bulsho. Dad badan oo waayeelkii hore ee Ingiriiska ah ayaa u arka in BBC ay tahay calaamad sarrayn iyo ilbaxnimo guun ah u taagan oo ay leedahay boqortooyada Ingiriisku, iyo dhuun ay mariso Awooddeeda dabacsan ee ay dunida ku saamaynayso.