Kamaraddii Abid Ugu Awoodda Badnayd, Internet Toos Ah Iyo Xusuus 2 Tb Ah: Tesla Waa Ay Sheegtay Nooca Talefankeedu Noqonayo

0
607

Camarado lagu tilmaamay kuwii abid ugu awoodda badnaa ee la sameeyo, internet ka oo uu dayaxgacmeedka toos ugu xidhmayo, isaga oo sida oo kalana leh Khadka WiFi ee internet ka caadiga ah lagu xidhiidhiyo, Teknoolajiyada 5G iyo awood xasuuseed oo qaadkeedu yahay 2 kun oo GB, ayaa ay shirkadda Tesla shaacisay in uu yeelan doono talefankeeda casriga ah ee Tesla Pi oo dadka qaar ku tilmaameen wax aan sheeko iyo shaahid midna hore loogu arag.

Waa farsamo teknoolajiyadeed cusub oo aad u horumarsan, lana filayo in ay suuqa ka saari doonto talefanka ugu caansan ee ay samaysay shirkadda Apple oo ah iPhone 13 ama kuwa ka sii dambeeya ee la saadaalinayo in ay ma hadho reebi doonaan.

In kasta oo aanay shirkaddu bixin faahfaahin intan ka badan, haddana waxaa weli soo baxaya warar intan ka sii badinaya tilmaamaha yaabka leh ee talefankan. Kuwaas oo ka hadlaya qaabsamayskiisa, tayada shaashaddiisa, kamarado afar ah oo uu leeyahay awooddooda, tamarta ilayska qorraxda oo laga dabayn karo, iyo xitaa midabka talefanka ee sida jirjiroolaha isu bedbeddelaya, iyo waxyaabo la mid ah oo dhammaantood lagu sheegay kuwo ana heerkooda hore loo gaadhin.

Teknoolajiyadaha kale ee talefankan cusub laga filayo waxaa ka mid ah in uu xidhiidh la samayn karo habdhiska neerfaha, taas oo ah teknoolajiyad xogta isaga gudbinaysa maskaxda isticmaalaha iyo talefanka gacanta.

Waa bilow cabsi ku abuuray shirkadaha talefannada oo ay suuqa talefannada casriga ah ku soo gelayso shirkadda hormoodka ka ah gaadiidka korontada ku shaqeeya ee Tesla. Maalqabeenka aasaasay shirkadda Tesla ee Elon Musk waxa uu sannadahan u dambeeyey waqti badan geliyey sidii uu u soo saari lahaa talefan casri ah oo aadamaha mucjiso ula ekaada, kaas oo koobsaday teknoolajiyad casriya oo aan hore loo gaadhi iyo hannaan shaqo oo dadka qaar weli maloawaal u haystaan. Waxa aanu ku bilaabay talefan sita magaca ‘Model Pi’

Shirkadda Tesla weli ma’ay sheegin waqtiga kama dambaysta ah ee uu talefanka cusubi suuqa soo geli doono iyo qiimaha lagu iibin doono. Waxa se jirta hadal hayn sheegaysa in uu sannadkan gudihiisa soo bixi doono iyo in qiimihiisu ka sarrayn doono 2 kun oo doolar.