Dhacdooyinka Ugu Muhiimsanaa Taariikhda Islaamka Ee Ku Beegnaa Kow iyo Tobanka Bisha Soonka

0
1125

Hargeysa (Geeska)- Dhacdooyinka muhiimka ah ee sida taariikhda ku cad dhicistoodu ku beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaan maalinta ay bisha soon tahay 11, ayaa waxaa ka mid ah:

Dhacdooyinka taariikhiga ah ee lagu xasuusto maalinta kow iyo tobnaad ee bisha Ramadaan, waxaa ka mid ah;

– Guurkii uu Nebi Muxammed (SCW): Wasiim Cafiifi oo ah cilmibaadhe taariikhda Islaamka wax ka qora oo u dhashay dalka Masar ayaa Al-Carabiya u sheegay in maalintan oo kale uu Nebigu guursaday Saynab Bin Khusaymah, waxa aanay ahayd sannadkii 3aad ee hijriyada.

– Islaamiddii qabiilka Thaqiif: Qabiilka Thaqiif oo deegaanka Daa’if deggenaa muddo dheerna ka warwareegayey in ay diinta Islaamka qaataan, ayaa sannadkii sagaalaad ee Hijriyada u yimid Nebiga (SCW) kadib markii ay arkeen qabiiladii Carbeed ee ku xeernaa oo diinta galay. Wafti ka socda qabiilkan oo ka kooban lix odayaashii dhaqanka ee jilibada qabiilka Thaqiif ah ayaa Nebiga u yimid, Nebiguna si aad u qurux badan ayaa uu u soo dhoweeyey, taandho weyna waxa uu uga dhisay meel aan masjidka ka fogeyn, iyaga oo muddadii ay wada xaajoodka u joogeen halkaas ka maqli jiray Qur’aanka Kariimka ah ee asxaabtu akhriyeyso, salaada la tukanayana arki jiray.

Qabiilkan oo aad u madax adkaa, taariikhaha qaarna aaminsan yihiin in isirkoodu ka soo jeedo Qawmkii Thamuus la odhan jiray ee uu Alle Qur’aanka kaga sheekeeyey, marka uu ka hadlayo qoomamka la haligay, markii ay nebiga u yimaaddeen waxa ay isku dayeen in ay muslimnimadooda shuruud ku xidhaan, waxaa ka mid ahaa in Sanamkii Ilaaha u ahaa aan laga burburin, laakiin waa laga diiday, waxa ay codsadeen in ay iyagu gacantooda ku burburiyaan, taasna waa laga diiday, waxa kale oo ay codsadeen in muddo salaadda laga dhaafo, taasna Nebigu (SCW) waa uu ka diiday. Aakhirkii waa ay muslimeen. Nasiibwanaag Geeridii Nebiga (SCW) kadib, markii qabiilooyinkii Carabta in badan oo ka mid ahi diinta ka noqdeen, Thaqiif iyo Quraysh waxa ay noqdeen kuwo iyagu ku sii adkaystay, oo hoggaamiyeyaashii muslimiinta ee Nebiga ka dambeeyey (Khulafadii) ku garab istaagay dadaalkii ay diinta ku sii xoojinayeen.

– Dhimashadii Jankiis Khaan: Maalintan bisha soon 11 tahay waxaa ku beegnayd dilkii lagu khaarajiyey hoggaamiyihii taariikhda inta la ogyahay ugu dhiig-daadinta badnaa.

Jankiis Khaan oo dhisay dawlad aad u awood badan oo dunida meelo badan kaga faaftay waxa uu dhintay 11kii Ramadaan ee sannadkii 1227 kii Miilaadiga, waxa aana lagu aasay Mongolia, waxa aana xukunka ka dhaxlay wiilkiisii Awktaay.

– Suldaan Saliim: Malaintii Shalay oo kale ee ay bisha soonku 11 ahayd, sannadkii 1516 kii waxaa magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya qabsaday Suldaan Saliim oo dagaal adag dhulka Shaam iyo Masar kaga qabsaday dawladdii Mamaaliikta oo ka mid ahay dawladihii Islaamka soo maray.