Nin Kiristaan Ah Oo Muddo 14 Sano Ah Isu Xilqaamay In Uu Habeenkii Dadka Muslimiinta Ah Suxuurta U Toosiyo

0
704

Qaahira (Geeska)- Tuulada Mukri oo u dhow magaalada Caka oo ka mid ah dhulka ay Yuhuuddu Carabta kala wareegtay sannadkii 1948-kii markii dawladda Israa’iil la dhisayey, ayaa sannadihii u dambeeyey marka la gaadho bisha soon, waxaa waqtiga suxuurta aad codkiisa loo maqlaa nin Kiristaan ah oo isu xilqaamay in uu dadka muslimiinta ah u toosiyo suxuurta. Ninkan oo lagu magacaabo Michel Ayuub ayaa mar uu u warramay shabakadda Al-Carabiay ee Geeska Afrika warkan ka soo xigtay waxa uu sheegay in muddo 14 sano ah uu shaqo iskaa wax-u-qabso ah ka dhigtay in uu muslimiinta u toosiyo suxuurta. Shaqadaas oo uu sheegay in ay waajib ku tahay in uu walaalihiisa muslimiinta ah ka caawiyo u toosidda suxuurta. Michel Ayuub waxa uu hurdada ka kacaa Kowda habeennimo, kadib waxa uu u baxaa shaaracyada oo mid mid u maro isaga oo ku dhawaaqaya ereyo uu sida heesta codkiisa macaan ugu luuqeeyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin, “Hurdaayo Alle caabud… Kac oo toos oo Allaha Raxmaanka ah u digri”  waxa aanu hawshaas ku jiraa illaa 4 subaxnimo oo ah marka la adimayo salaadda subax ee la afxidhanayo.

Michel oo ka shaqeeya dhismaha ayaa sheegay in ujeedadiisu ay tahay in uu nabadgelyo ka dhex abuuro dadka deegaankiisa ee abada diimood kala haysta, “Sidee ay ku dhacaysaa in qof uu qof kale dilo! Xalka keliya ee inoo yaallaa waa in aynu dhammaanteed nabadgelyo helno”

Michel oo qaybsan aayado Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah ayaa isaga oo dhoolla caddaynaya waxa uu sheegay in farxadda muslimiintu farxaddiisa tahay. Dareenka dadku ku qaabilaan marka uu suxuurta u toosiyo isaga oo ka warramayana waxa uu sheegay in ay daaqada furaan oo ay u mahadnaqaan,  sida oo kalana marar badan ku qasbaan in uu joogsado oo uu cuntada la cuno.