Soonka Iyo Sixada (11): Faa’idooyinka Caafimaad Ee Laga Helo Cunista Xabxabka Ee Xilliga Afurka Iyo Suxuurta

0
736

Ankara (Geeska)- Dhakhtar u dhashay dalka Turkiga ayaa sheegay in koob caano ah oo la cabbo suxuurta xilliga bisha soon ee barakaysani in uu qofka ka caawinayo in aanu wax gaajo ah dareemin muddo shan saacadood ah.

Hormuudka kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Domlo Binaar oo ku taalla gobalka Kohati ee dalka Turkiga, Dr, Axmed Haqaan ayaa dadka sooman bisha barakaysan ee Ramadaan waxa uu ku dhiirrigeliyey in ay afurka iyo suxuurta aad u cabbaan caanaha dabiiciga ah iyo nooc caanaha ka mid ah oo lagu magacaabo Cayraan, waxa aanu ku tilmaamay cabbitaan Ramadaanta aan laga maarmin.

Cayraan waa caano ciir ah oo lagu daray biyo iyo wax yar oo milix ah, waxaa aad looga isticmaalaa dalal Turkigu ka mid yahay, waxa aana la aaminsan yahay in ay leeyihiin faa’idooyin caafimaad iyo in ay qofka ka caawiyaan hurdo xasiloon, gaar ahaan marka la cabbo habeenkii.

Dr. Xaqaan waxa uu caddeeyey in caanaha iyo cuntooyinka kale ee caanaha laga soo dheegtaa aanay carruurta oo keliya muhiim u ahayn, balse ay sida oo kale faa’idooyin caafimaad oo aad u badan u leeyihiin dadka waaweyn, sababahana ay ka mid tahay caanaha oo ah ilaha ugu muhiimsan ee laga helo faa’idooyinka cunto ee qofku u baahan yahay (Nafaqada) da’ kasta oo uu yahay.

Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay wakaaladda wararka  Anadool ee dalka Turkigu ku sheegtay in ay muhiim tahay in qofku uu maalin kasta cabbo ugu yaraan hal litir oo caano ah, maadaama oo ay khubarada caafimaadka cuntadu caddeeyeen in caanuhu ay yihiin dareere jidhka lagama maarmaan u ah, isla markaana ay ku jiraan maaddooyin uu jidhku maalin kasta u baahan yahay. Dr. Xaqaan ayaa isaga ka hadlaya faa’idooyin intaas hore ka badan oo caanaha laga heli waxaa hadalladiisa ka sii mid ahaa, “Caanaha waxaa ku jira xaddi badan oo Kalshiyaam ah, kaas oo muhiimad weyn u leh lafaha, xilliga soonkana si gaar ah uu qofka soomani ugu sii baahan yahay”