Dhacdooyink Iyo Arrimo Dunida Qarniyo Ka Jiray Qarniyo Oo Fahamkoodu Hal-Xidhaale Ku Noqday Baadhayaasha

0
593

Hargeysa (Geeska)- Sida la wada og yahay aadamuhu waxa uu maanta awooday in uu horumar aan mararka qaarkood maskaxdu sawiran karin ka gaadho dhammaan dhinacyada nolosha, jiritaanka adduunka iyo guud ahaanba cilmiga la xidhiidha dunida. Waxa uu samaystay dayaxgacmeedyo ay ku gaadheen meeraha Maaris, in ay hawada sare oo dhan ku sii daayeen dayaxgacmeedyo hawlo kala duwan qabta illaa ay gaadhay heer dunida lagu tilmaamo in ay tahay tuule keliya. Laakiin iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan, haddana waxa aan la dafiri karin in caqli aadamuhu uu leeyahay xuduud iyo xakame aanu ka gudbin karin, waxaa weli adduunka ka jira wax yaabo badan oo dhinacyo badan ah oo maskaxda aadamuhu ay sifo cilmiya u caddayn kari weyday ama garanweydayba sida ay ku yimaaddeen.

Qormadan oo ah taxane kooban waxa uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa ku wadaagi doonaa qaar ka mid ah siraha ay aadamuhu furfuri kari waayeen muddada dheer ee dunidan ka jira ama dhacdooyinka soo maray adduunkan oo aynu ku magacaabi karno in ay yihin hal-xidhaalayaal maskaxda aadamaha dawakhiyey, waxa aanay yihiin:

1. Gacan-ku-dhiile Jack (Ripper): Waa magaca ugu caansan ee loo bixiyey gacan-ku-dhiile aan illaa hadda la aqoonsan qofka uu dhab ahaan ahaa, oo sannadkii 1888kii si joogto ah dadka ugu dili jiray xaafadaha faqiirka ah ee magaalada London, gaar ahaan degmada Whitechapel ee deegaannada ku dhow.

Magacan waxaa laga soo dheegtay warqad uu qoray shakhsi ku andacooday in uu yahay gacan-ku-dhiiglahan la garanwaayey, waxaana lagu baahiyey warbaahinta dalka iyo dunimadaba. Laakiin haddana waxaa aad loo aaminsan yahay in warqaddaas uu magacan Jack ku qornaa ay ahayd warqad been abuur ah oo khiyaamo ahaan loo soo maeeyey, waxa aanay dadka qaar ku doodaan in ruux wariye ahi uu warqaddan been abuuray, si uu u baahiyo, isaga oo ka dhigaya in uu si gaar ah u helay, ujeedada uu ka rabaana ay tahay in uu badiyo danaynta ay dadku qisadan danaynayaan, in sumcadda wargeyskiisu kor u kacdo iyo in uu akhristayaal badan helo. Sidoo kale gacan-ku-dhiiglahan xarumaha dembi-baadhista iyo warbaahinta qaarkeedba waxaa looga yaqaannaa Gacan-ku-dhiiglaha Whitechapel.

Dadka uu gacan-ku-dhiiglahani aadka u dilay waxaa ka mid ahaa dumarka jidhkooda ka ganacsada ee ku noolaa xaafadaha faqiirka ah ee London, kuwaas oo inta uu dhuunta mindi ka mariyey, kadibna uu mindidii ku sii jarjaray meelo kale oo ay calooshu ka mid ahayd, ugu yaraan saddex ka mid ahna waxa uu ka jaray xubnaha jidhka qaarkood. Baadhayaashii arrintan u kuurgalayna iyaga oo ka duulayo qaabka uu ninkan aan la garanayn dadkan uga jaray xubnahan waxa ay aamineen in uu khibrad u leeyahay qalniinka lagana yaabo in ay xirfaddiisa tahay (Dhakhtar yahay). Warka Jack Ripper waxa uu aad u soo caan baxay bilihii Sagaalaad iyo Tobnaad ee 1888kii, waxaana booliiska meelo qarsoodi ah looga soo diray waraaqo badan oo dad kala duwan mid kastaa gaarkiisa ugu andacoonayo in uu isaga yahay ruuxa dadka dilaa. La soco…