Shirkadda TACON Oo Sheegtay Lacagta Ku Baxday Dhismaha Madaarka Berbera Iyo Faraqa U Dhexeeya Qandaraaska Qiimihii Lagu Bixiyey Iyo Ka Uu Wasiirka Duulistu Sheegay

0
541

Picture7Addis Ababa (Geeska)- Shirkadda Tekleberhan Ambaye Construction oo ah shirkad laga leeyahay dalka Itoobiya oo magaceeda loo soo gaabiyo TACON ayaa sheegtay in ay dhamaystirtay dhismaha Teerminaalka iyo deyrka taarka ah ee madaarka Berbera oo ahaa qandaraaskii ugu horreeyey abid ee ay ka fuliso meel ka baxsan Itoobiya. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa dalka Itoobiya ayaa ay shirkadda TACON ku sheegtay in dhismaha ay fulisay uu ka kooban yahay, Teerminaal iyo taar lagu soo wareejiyey masaafad dhan 12 Kilomitir oo madaarka ah, waxa aanay shirkaddu xustay in lacagta qandaraaskan ay ku qaadatay ay dhan tahay 83 Milyan oo ah lacagta Birr ee dalka Itoobiya, taas oo faa’idada ay shirkaddu ka heshayna ay ahayd Saddexda Milyan ee dheer 80 ka Milyan ee Birr.

Warku waxa uu intaas ku daray in dhismahan oo bilowday hal sano ka hor, uu ahaa mashruuc wada jir ay u fulinayeen shirkaddan dhismaha ee Itoobiyaanka ah TACON iyo shirkad dhismaha iyo maalgashiga ee Afro-sino (Afro-sino Constructing & Investment Company) oo laga leeyahay Somaliland.

Ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee shirkadda TACON Md. Eng. Habtamu Mengiste oo waraysi talefanka ah siiyey wargeyska Addis Fortune ayaa mar uu ka jawaabayey sababta halkii sano uu ugu dhammaatay 2015ka, waxa uu ku cowday in dhismhuhu uu qaatay hal sano, laakiin sababta keentay in dhamaystirku dib u dhacaa ay tahay qalabka dhismaha looga baahnaa oo heliddiisu deegaankaas ku yarayd, iyo shaqaale tababar oo aan laga helayn. Eng. Habtamu oo arrintan ka sii hadlaya ayaa waraysigan ku yidhi, “Caqaadaha ugu waaweyn ee dhismahani waxa ay ahaayeen cimilada kulul ee deegaanka, oo weliba si aad ah u sii kululaata inta u dhaxaysa bilaha Juun illaa Sabtembar iyo shaqaale tababaran oo aan dalka laga helayn, oo ay qasab nagu noqonaysay in aanu dad shaqaale ah ka soo qaadanno Itoobiya” waxa aanu ku soo gabagabeeyey, “Waxa aanu sidoo kale shaqaynaynay habeenkii, cimilada kulul awgeed”

Shirkadda TACON oo sii sharraxaysa waxyaabaha ay qandaraaskan ku dhistay ayaa sheegtay in Teerminaalka dhismihiisa ay ku hoos jireen adeegyo kale oo ay ka mid tahay, bar-kaantarool oo shandadaha iyo xamaamta dadka la mariyo, baro lagu sugo ammaanka, qalabka lagu raadiyo laguna wargeliyo dadka, qalabka isgaadhsiinta, qalabka shandadaha qaada , miisaanno qaadi kara culays dhan illaa 200 kilogaraam, taangi biyood, iyo jid laammi ah oo dhabbaha diyaaradaha taga.

Shirkadda TACON waxa ay sheegtay in barxadda teerminaalka ay dhistay ay ku fadhido dhul ballaciisu dhan 3’200 oo Mitir Laba jibbaaran ah. halka dhererka deyrka taarka ah ee shirkaddu ku wareejisay madaarka Berbera dhamaa 12 Kilomitir. Warkan uu Geeska Afrika soo turjumay, waxa uu wargeyska Addis Fortune oo ka faallooda arrimaha ganacsiga iyo dhaqaaluhu ku soo koobay, wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland ayaa qandaraaskan bixiyey.

Qaddarka lacagta ay shirkadda TACON sheegtay in ay ku qaadatay qandaraaskan ayaa marka faa’idadeeda lagu daro sarrifka doolarka ku noqonaya qaddar dhan $ 4,073,120.42 (Afar Milyan, Toddobaatan iyo Saddex Kun iyo Boqol iyo Labaatan iyo Afartan iyo Laba Senti oo doolar).

Bishii Labaad ee sannadkii 2012kii ayaa ay ahayd markii guddida qandaraasyada qaranka ee Somaliland ay ku dhawaaqday in qandaraaska dhismah teerminaalkan iyo deyrka taarka ah ay ku guulaysateen shirkadaha TACON iyo Afro-sino. Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka oo maalintaas warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in labadan shirkadood ay madaarka ku dhisi doonaan lacag dhan, $ 4,396,485.45 (Afar Milyan, Saddex boqol iyo sagaashan iyo lix kun iyo Afar boqol iyo Siddeetan iyo shan doolarka Maraykanka ah).

Si kasta ha ahaato ee wasiirka duulista iyo hawada ee Somaliland oo dabayaaqadii bishii hore khudbad ka jeediyey munaasabaddii xadhig-ka-jarista mashruucan oo uu goob joog u ahaa Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in lacagta lagu qiimeeyey dhismahani uu dhan yahay $4’438’000 (Afar Milyan, Afar boqol iyo Soddon iyo Siddeed Kun oo doolar). Wasiirka oo sii faahfaahinayey shaqada mashruucan dhisme lagu qabtay ayaa waxaa hadalladiisa kam id ahaa, “Waxaa shaqadaa lagu qabtay Teerminaalkan aynu fadhinno oo ka kooban 2500 oo mitir laba jibbaaran oo isugu jira qayb laga soo dego iyo qayb laga dhoofo. Oo isugu jira xafiisyadii oo la qalabeeyey, oo isugu jira musqulihii, oo leh masaajiddadii oo leh wax kasta oo Teerminnaal caalamiyi uu leeyahay” Wasiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa ka hadlay masaafadda taarka deyrka ah ee lagu soo wareejiyey madaarka berbera oo tirada uu ku sheegay ay ka yar tahay intii marka hore qandaarka lagu bixiyey, waxa aanu yidhi, “Lacagtaasi kuma bixin oo keliya aqalkan, ee waxa ay ku baxday iyaduna oo ka mid ah, 11 Kilomitir oo silig ah ama xayndaab garoonkeenna ku soo xidhan

In kasta oo uu farqi lacageed oo ka badan 364 Kun oo doolarka Maraykanka ahi u dhexeeyo lacagta uu wasiirku sheegay iyo ta ay baahisay shirkadda TACON, haddana waxaa lagu doodi karaa in kharashka ay TACON ka hadashay uu yahay intii ay iyadu gaar u qaadatay oo aanay ku jirin inta ay qaadatay shirkadda TACON, waxase iyadu aan xujo lagu difaaco lahayn farqiga lacageed ee u dhexeeya lacagtii qandaraaskan lagu bixiyey ee guddida qandaarsyadu ay ku sheegtay 4,396,485.45 iyo lacagta uu wasiirka duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi sheegay in ay ku baxday oo dhan $ 4,438,000 lacagtaas oo uu u dhexeeyo farqi dhan $41’514.55, wasiirkuna ma’ uu sheegin in lacagtaas mar dambe qandaraaska ay ku korodhay iyo haddii ay korodhay sifada kordhinteeda loo maray.