Dhaawacyada Khafiifka Ah Ee Maskaxda Soo Gaadhaa Waxa Ay Curyaamin Karaan Shaqada Xubnaha Qaarkood

0
763

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo dalka Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in dhaawacyada aadka u fudud ee maskaxda soo gaadhaa ay marar badan keenaan in xubnaha jidhka qaarkood ay halwgab noqdaan, oo aanay dib u awoodin in ay qabtaan hawl maalmeedkooda.

Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in boqolkiiba 87 dadka uu dhaawac fudud ee dhiigfuranka ahi maskaxdooda soo gaadhaan ay ku dhacdo in gaabis ku yimaaddo ama shaqada ay joojiyaan xubno jidhkooda ka mid ah, kuwaas oo ay qaarkood xaaladdan arkeen hal sano kaddib marka uu dhiigguku furmay.

Waxa ay cilmibaadhistu ku talisay in aan la dhalaysan dhiigfuranka aadka u khafiifka ah oo marar badan loo qaato in aanu wax raad taban ah kaga tegeyn shaqada xubnaha kale ee jidhka, laakiin muddo kaddib ay soo baxaan raadadkiisu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here