Madaxweyne Biixi Oo Guddoomiyaha Badhan U Magacaabay Masuul Xidhiidh Siyaasadeed Iyo Ganacsi Oo Adag La Lahaa Dawladda Puntland Iyo Doodda Ka Dhalatay

0
943

Hargeysa (Geeska) Su’aalo badan iyo doodo kala aragti duwan ayaa ka dhashay masuulka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay guddoomiyaha gobalka Badhan, kaddib markii uu soo baxay xidhiidhka ganacsi iyo siyaasadeed ee uu waqti aad u dhow la lahaa dawladda Puntland.

Xil-ka-qaadis iyo magacaabis kooban oo uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sabtidii 22 -ka Juun ku sameeyey xukuumadda, ayaa uu xilka guddoomiyaha gobalka Badhan u magacaabay Mudane Maxamed Xaamud Cumar. Xilkaas oo uu dhowaan banneeyey Cali Xuseen – Cali Somali oo isaga iyo ciidamo deegaanka ka mid ahaa u goosteen dhinaca maamul-gobaleedka Puntland.

Waxaa saacadihii ugu dambeeyey baraha bulshada Somaliland ku xidhiidho aad la isugu gudbinayey muuqaallada guddoomiyaha cusub oo ku labbisan dhar ka samaysan calanka Soomaaliya iyo calaamad muujiinaysa in uu u sharraxnaa baarlamaanka Puntland.

Warar dheeraad ah oo uu Geeska Afrika helayna waxa ay sheegayaan, guddoomiyaha cusub ee uu madaxweyne Biixi u magacaabay Badhan, oo ka mid ahaa wafti madax dhaqameed hoggaaminayey oo dhowaan yimi Hargeysa, in uu ahaa xagjir si fog uga soo horjeeda Somaliland iyo lahaanshiyaheeda gobalka Sanaag.

Warku waxa uu sheegayaa in guddoomiyaha cusub uu xidhiidho adag oo dhinaca siyaasadda iyo ganacsiga ah la lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), iyo siyaasiyiin reer Puntland ah. ka hor intii aanay dhowaan ku kala fogaan cadho la xidhiidhay magacaabista golaha xukuumadda cusub ee uu madaxweynaha Puntland dhisay markii la doortay kaddib.

Mudane Maxamed Xaamud Cumar waxa oo ahaa murashax u tartamay xildhibaan Baarlamaan, balse aan ku guulaysan, ayaa uu warku sheegayaa in uu qayb ka yahay saamileyda shirkadda SANAAG CONSTRUCTION CO, oo ka diiwaangashan Puntland, isla markaana uu ahaa guddoomiyaheeda.

Shirkaddan ayaa intii aanay mudane Maxamed Xaamud Cumar kala fogaan Puntland, waxa ay qaadan jirtay dhismaha mashaariicda ugu badan ee ay dawladda iyo hay’adaha Puntland deggeni ka hirgelinayaan gobalka Sanaag.

Mashruucii u dambeeyey uu qaatayna waxa uu ahaa dhismaha xarunta labaad ee baarlamaanka Puntland oo magaalada Badhan laga dhagax dhigtay horraantii bishii Noofambar ee 2018 kii. In kasta oo mashruucaas wejigiisii labaad aan la siinin, dhismihiina uu qabyoobay.

Guddoomiyaha cusub ee Badhan oo markaas ahaa guddoomiyaha shirkadda ayaa munaasabadda dhagax dhigga ka sheegay in sababaha ay ugu guulaysteen mashruucan ay ka mid tahay in ay dawladad Puntland u yihiin muwaadiniin cashuur bixiyeyaal fiican ah.

Inkasta oo ay run tahay in aragtida siyaasiga ah ee qofku isbeddeli karto, haddana in arrintan su’aalo la iska weydiiyo, waxaa xoojinaya xiisadaha ka taagan deegaanka Bariga Sanaag ee sababay in masuuliyiin iyo askar u dhaartay Somaliland ay u goostaan Puntland, taas oo abuuraysa dareen ah in loo baahan yahay in shakhsiyaadka xilalka loo magacaabayaa ay noqdaan kuwo si aad ah looga baaraan degey, si aanay xukuumaddu u gelin qalad sababa in hadba masuuliyiin xil hayaa ay siraha iyo masuuliyadda qaranka cid kale ula goostaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here