Adeer SAAM: Weli Ma Maqashay Magacan Astaanta Iyo Naanaysta U Noqday Maraykanka, Haddii Aad Maqashay Laakiin Aanad Xog Dheeraad Ah Ka Hayn Akhri Qormadan

0
271

Washington (Geeska)- “Uncle Sam” waa magac la macno ah adeer Saam oo ay dadka caadiga ah ee Maraykan si aad ah ugu yeedhaan dalalkooda Maraykanka, qaarkoodna halka ereyga waxa ay ku beddelaan ‘Borther Jonathan’ Gaar ahaan dadka gobalka New England.

‘Adeer Saam’waxa kale oo isticmaalkiisa lagu akraa dadka aan Maraykanka ahayn ee wax ka qora dalka Maraykanka, gaar ahaan mararka ay qoraalladoodu ay dacaayad iyo canaan ama dagaal daarran yihiin, ama ay u duur xulayaan in ay sheegaan in Maraykanku uu dunida dusha ka wada maamulo.

Waxaa xusid mudan in hal-ku-dheggan mar kasta la raaciyo sawirka nin oday ah oo gadhku caddaaday, timaha madaxa ee wada cirrada ahna ku daboolay koofiyad dheer oo ay xiddigu ku yaallaan. Waxa uu xidhan yahay jaaked buluugah iyo surwaal dheer oo leh xariijimo caddaan iyo casaan ah. Laakiin, in badan la isma weydiiyo, qofka uu yahay adeerkan Maraykan ee muuqaalkiisa aynu aragnaa?

Haddaba sawirkan waxaa laga soo dhegtay muuqaalka nin lagu magacaab ‘Walaal Jonathan’ mar ayuu astaan qaran u ahaan jiray gobalka New England ee dalka Maraykanka, sida oo kalana waxa uu mar ahaa calaamad Maraykanka u taagan.

Sida ku cad inta badan ee qisaska Maraykanka, taariikhda bixitaanka magaca ‘Adeer Saam’ waxa ay ku xidhiidhsan tahay xilligii uu dalkaas ka socday dagaalkii gobannimo doonka Maraykanka ee sannadkii 1812 kii u dhexeeyey Ingiriiska.

Saam waxaa laga soo gaabiyey magaca Samuel, oo ahaa nin hilibka ka ganacsada, oo deggen magaalada Troy ee gobalka New York.

Muddadii uu dagaalku socday Samuel Wilson waxa uu halganka kaga qaybqaatay dhinaca sahayda cuntada, gaar ahaan hilibka oo uu ciidamada Maraykanka ah ee dagaalamaya foostoonyin buuxa oo hilib lo’aad ah ugu geyn jiray furimaha dagaalka. Daryeelka uu ninkani askarta oo dabcan dhalinyaro u badan siinayey awgeed waxa ay u ixtiraami jireen waalid ahaan waxa aanay ugu yeedhi jireen ‘Adeer’

Waxaa la sheegaa in Samuel Wilson uu foostooyinka hilibka ah dusha sare kaga qori jiray xarfaha ‘US’ oo dadka badankiisu aaminsan yahay in uu uga jeeday magaca Maraykanka loo yaqaanno ee goballada midoobey (United States) laakiin askartii Maraykanka ahaa ee uu hilibka u geynayey ay u fasirteen in labada xaraf midka hore ee ‘U’ uu u taagan yahay ‘Uncle’ oo macnaheedu yahay adeer, xarafka dambe ee ‘S’ ta ahina u taagan yahay ‘Sam’ oo ah magaca ninka.

Sidii ayaa uu ku caan baxay magaca ‘Adeer Saam’ iyo qisada ninkan oo aakhirkii ay warkiisa aad u baahisay warbaahinta Maraykanka, noqdayna calaamad dalka Maraykan lagu yaqaanno. Dad badan oo kuwa sawir gacmeedyada sameeya ka mid ahina marka ay ka hadlayaan Maraykanka ay soo qaataan ereyada ‘Uncle Sam’ ama sawirka ninka.

Hay’adaha dawladda Maraykanka ayaa iyaguna ka faa’iidaystay magacaan astaanta noqday, waxa aanay caado ka dhigteen in xayeysiisyada waddaniga ah iyo boodhadhka wacyigelinta ah ay raaciyaan sawirka Samuel.

Tusaale ahaan marka ay wasaaradda difaacu qaadanayso askarta cusub ee ay doonayso in ay dhalinyarada ku dhiirrigeliso in ay is qoraan, waxa ay dhejisaa boodhadh uu ku sawiran yahay Samuel oo farta fiiqaya sida ruux kula hadlaya, kaddibna waxa ay ku hoos qoraan ereyo ay ka mid yihiin, “Adiga ayaan rabaa in aad ka mid noqoto ciidanka dalka” iwm

Sannadkii 1961 kii ayaa Kongareeska Maraykanku uu cod ku ogolaaday in Samuel Wilson loo aqoonsado shakhsiyadda laga soo dheeganayo astaanta qaranka.

Wilson isaga oo 88 sano jir ah ayaa uu dhintay sannadkii 1854 kii, waxaana lagu aasay xabaalaha magaalada Troy oo markii dambe magacii itna laga beddelay loo bixiyey magaalada ‘Uncle Sam’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.