Dayax Madoobaad Xalay Si Weyn Looga Arkay Dalka Somaliland

0
832

 

dayaxHargeysa (Geeska) Waxaa guud ahaan Somaliland, bariga qaarada Afrika iyo wadamo ka mida khaliijka carabta laga dareemay habeenimadii xalay dayax madoobaad, wakhti lagu jiray saacadaha cawayska, kaas oo naxdin ku abuuray dadki xiligaas damaashaadka iyo tamashalah ku jiray.

Sidoo kale gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa laga dareemay dayax madoobaadkaas goor ay saacadu ku beegnayd 10-kii habeenimo, waxaana salaada dayax madoobaadka lagu jiray ku dhawaad saacad. Bulshada kala duwan ee salaada u soo baxay ayaa buux dhaafiyey masaajid adaqaarkood.

Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale looga dareemo qaarada afrika iyo caalamka dayax madoobaad, waxaase jiray dhawrkii sano ee la soo dhaafay in Somaliland iyo wadamo kale oo caalamka ah laga dareemay dayax madoobaadka.