“Reer Berbera; Hibasho Ma Jirto, Colaadi Ma Jirto Aad Ayaad U Dedaasheen”

0
4009

77777

 

Hargeysa(Geeska)-Gabaygii ay inantii gabyeysay tirisay ayaa soo koobay;  Reer Berbera  hibasho ma jirto  colaadi ma jirto aad iyo aad baad u dadaasheen saaxiibaynu nahay waan wada shaqeynaynaa aad iyo aadna waad u mahadsantihiin.” Sidaas waxa tidhi marwada koowaad ee Somaliland Aamina Weris Maamed Jirde, oo shalay hadal ka jeedisay xaflad loo sameeyay arday ka qalin jebisay dugsiga sare ee Bursade oo ka dhacay magaalada Berbera.

Marwo Aamina-Weris, ayaa shalay socdaal ku tagtay magaalada Berbera, waxaana weheliyay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Abwaanad caan ka ah Somaliland oo la yidhaahdo Nimco Aadan Hure (Gabaydo), ayaa madashaas ka jeedisay gabay ay dadkii xafladda joogay aad uga heleen, kaas oo ay marwaduna ka jawaabtay. Abwaanada gabaygeeda waxa ka mid ahaa

Haddaan Runta Laga Murmayn

Been Lagu Hadlayn

Saaxil Waa hodanka geeskoo ma hawlyaree

Hadhkeeda kusoo dhawoow

hooyadii dalkaay waa laguu heelanyahay

hibashadii iloow anana hambalyiyo salaan

hooyo naga gudoon.

 

Dadkii madasha jooga ayaa sacab iyo mashrxarad isla oogsaday, laakiin awbaanadu ma bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer, waxase loo qaatay inay u jeedo marwada.  Marwada lafteeda ayaa kaga jawaabtay, “Gabaygii ay inantii gabyeysay tirisay ayaa soo koobay Reer Berbera,  hibasho ma jirto  colaadi ma jirto aad iyo aad baad u dadaasheen saaxiibaynu nahay waan wada shaqeynaynaa aad iyo aadna waad u mahadsantihiin.” Ayay tidhi marwada koowaad ee Somaliland.

 

Marwo Aamina-Weris, waxay bogaadisay ardayda dugsiga sare ee Bursade iyo macalimiintooda iyo weliba jaamacadda Golis oo uu maamulkeedu halkaas joogay.

 

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa tidhi"Way dhamaatay in bursade uu imtixaan ku galo qof ka soo badeshay magaalada Hargeysa ama Borama way dhamaatay oo bursade ku caan baxay waxa imtixaanka galaya 90 qof oo kaliya oo aan tiriyey saddex jeer oo aan imi magacyadoodana waan hayaa fasalada nooga soo baxaya bursadena waa 90 arday ee ku bushaaraysta.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, maayarka Berbera iyo guddoomiyaha gobalka Saaxil.