Cali Warancade Oo Ku Taliyay In Dalka Laga Mamnuuco Augustine Mahiga

0
838

 

 

waran

 

Hargeysa(Geeska)-Cali Maxamed Warancade oo ah wasiirkii hore ee duulsita iyo hawada ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xukumadda Somaliland ka codsaday in dalka laga mamnuuco ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Ambassador Augustine Mahiga.

Warancade oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, wuxuu ergayga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay qaska ka taagan Somaliya, isagoo ku tilmaamay inuu yahay Madaxweyne qarsoon, ”Dalka Somaliya haddii la isweydiiyo yaa madaxweyne ka ah waxa loo yaqaan Sheekh Sharif, aniguse waxaan leeyahay waxa madaxweyne ka ah Augustine Mahiga. Wuxuu hoggaaminayaa khubaro ka tirsan ciidamada sirta ee caalamiga ah ee loogu tallo galay inay maamulaan shucuubta daciifka ah ee aanay dawladaha xoogga ahi ka jirin sida Somaliya, maantana waxa muuqata sidii ay godkaas uga soo bixi lahaayeen inay tahay mid aad iyo badan.” Ayuu yidhi Warancade, wuxuuna ku eedeeyay inuu sidoo kale doonayo inuu qaskaas Somaliya ka taagan oo kale, “Waxaan soo jeedinayaa inaynu ka digtoonaano gacan haadiska  dhagaraysan ee Mahiga uu kala dhex wareegayo Somaliland oo aan anigu qabo haddii ay tayada noqonayso mar haddii uu Madaxweyne ka yahay Somaliya sida Sheekh Shariif aynu uga mamnuucnay inaynu uga mamnuucno mar haddii aynu arkayno wuxuu inoo wadaa inay tahay taas Somaliya ka dhacday si aynu sharkiisa uga badbaadno oo uu u noqdo nin aan iman karin Somaliland.” Ayuu yidhi Warancade.