Dawooynka Antibiotics Ku Carruurta Waxa Ay Ku Keenaan Cudurka Arthritis Ee Caabuqa Xaglah Keena

0
582

Picture11Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfurtay in dawooyinka loo yaqaanno antibiotics ee lagula dagaallamo noolaha bakteeriyada haddii carruurta aad loo siiyo in ay laban laab kordhiso khatarta ah in uu ku dhaco cudurka daciifiya hab-dhiska difaaca qofka ee loo yaqaanno Autoimmunity oo keena caabuqa xaglaha iyo carjowaha kaga dhaca carruurta oo afka cilmiga lagu yidhaahdo Juvenile Arthritis.

Xanuunkani waxa uu keenaa garaac badan, xaglaha mid ka mid ah ama dhowr lagu arko barar, sidoo kale waxaa lagu arki karaa calaamado ay ka mid yihiin xumadda, finan maqaarka ka soo baxa iyo caabuq indhaha  ku dhaca.

Daniel Horton oo kah xeeldheere ka tirsan jaamacadda New Jersey ee dalka Maraykanka, hormoodna u ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay sameeyey

Ayaa mar uu sii faahfaahinayey waxa uu yidhi, “Daraasaddani waxa ay iftiiminaysaa in dawooyinka Antibiotics ka ahi ay dhiirri geliyaan in carruurta uu ku dhaco caabuq xaglaha (Laabatooyinka) ahi”

Daraasaddani waxa ay baadhis cilmiya ku tijaabisay 450 ah carruur u dhalatay dalka Ingiriiska oo aad ugu dhow ama halis u ah in ay ku dhacaan xanuunnada xaglaha bani’aadamka abbaara ee ay ka mid yihiin cudurka Arthritis noociisa carruurta ku dhaca.