“Anigu Saddexda Xisbi Mid Aan Ku Jiraa Ma Jiro, Laakiin Madaxdooda Waan La Sheekaystaa, Waana In Saddexdaas Miduun Lala Munaaqashoodaa”

0
503

Picture10Hargeysa(Geeska)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inaanu jirin mid ka mid ah saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo uu ku biiray, waxase uu sheegay inuu la sheekaysto madaxda asxaabta islamarkaana uu ugu dambayn mid ka mid ah la geli doono wada hadal.

Prof Samatar oo u waramay weriye Sacad Gurey oo ka tirsan shabakadda wararka ee Gabiley isagoo jooga dalka Holland, waxa weriyuhu uu weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in la qorshaynayo inuu iska soo sharaxo xisbiga KULMIYE oo ay Madaxweyne Siilaanyo wada hadleen waxaanu yidhi   “Anigu dadka waxaan u sheegay caawana u sheegayaa, xisbi aan saddexda xisbi ku jiraa ma jiro, waanan sheekaysanaa  xisbiyada iyo madaxdooda laakiin mid aan ilaa hadda ku biiray ma jiro, arrimaha caynkaas ahna inuu qofku aad uga fiirsado weeye, intaas ayuun baan ka odhan jawaabta su’aashaas.”

Prof. Samatar oo la weydiiyay saddexda xisbi midka uu jecelyahay inuu ka mid noqdo wuxuu yidhi “Anigu tii somaliweyn ba waa taan tagay laakiin xisbi ayaanu markaas samaynay, Imika xisbi lama samayn karo Somaliland, saddexdaas xisbi uun in munaaqashooyin lala galo weeye, waanan ixtiraamayaa dadka sddexda xisbi wata ama soo dhisay ama madax ka ah ama golaha dhexe ku jira oo waa dad shaqo oo soo qabtay hawlo badan  imikana gacant aku haya, waa in wixii laga wada hadlo kolba wixii suurtogeli karaya.  Aniga laakiin shaki igagama jiro Somaliland inay wax badan soo qabsatay, dawladan Axmed madaxda ka yahay hawlo badan ooq iimo leh ayay soo qabatay ilaa imikana wadaa, laakiin wakhti cusub ayaa ina soo gaadhay, shaqooyin cusub ayaa inoo yaala, kuwo hore u yaalay oo  soo adkaaday ayaa jira, markaas hawlahaasi sida loo keenayo koox hoggaan ah oo Somaliland dhaqaajisa ayay aniga iila eegtahay, haddii aan nasiib u yeesho inaan ka mid noqdo kooxdaasi, markaas ayaan ka tashan doonaa laakiin sida Somaliland loo taageerayo ee ay u soconayso qof kasta oo Somaliland ah oo aan ka mid ah waajib ayay ku tahay.”