20 Shay Oo Haddii Aad Samayso Marka Aad 30 Jir Tahay, Noloshaada Wanaajin Doona Marka Aad 50 Gaadho (Q:4)

0
687

Picture12Hargeysa (Geeska)- Waa Qaybtii Afaraad ee qormadii uu Geeska Afrika soo turjumay ee qoraaga lagu magacaabo Beth Buczynski kaga waramayey arrimo ay fiican tahay in uu qofku qabto inta aanu 50 jir gaadhin. Qoraagu waxa uu jilayaa xaaladda dad markii ay 30 jir ahaayeen samayn jiray arrimahan uu ka digayo oo uu soo waraystay iyaga oo hadda markii ay 50 iyo ka weyn gaadheen aad u qoomamaynaya.

11. Sannadkii 10 buug wax ka yar ha akhriyin:

“Alla maan waqti badan ku soo qaato daawashada talefishanka iyo ciyaarta Fiidyowga” Dadka 50 jir gaadhay ee la waraystay cid keliya oo ka mid ahi ereygan iyo mid ku macno dhow midna ma’ay odhan. Ha illaawin in maskaxda bani’aadamku abid joojin koritaanka, sidaa awgeed ka caawi in ay korto, oo ku quudi cilmiga oo halka ugu badan ee laga dheefaa ay tahay wax akhriska.

12. Da’dii wax urursiga waa aad dhaaftay ee xusuus badan iska reeb:

“Waxa aad tahay taranta waayo-aragnimadaada. Konton jirka inta aad baraarugto ha rumaysan in aad lumisay waqtigii noloshaada ka midka ahaa ee aad xusuusta iska reebi lahayd. Xusuustu ma guumowdo, lamana gubi karo.

13. Dadka wax ku soo celi:

“Wax bixi, oo sadaqadda iyo hadyadda ka sokow, dadkaaga u adeeg, waxa aad dareemi doontaa wanaagga ay u leedahay noloshaada” Wax kasta oo aad bixinayso qalbiga ka bixi, oo bixi adiga oo aan filanayn in aad beddelkiisa hesho ama abaal laguugu hayo.

14. U fiirsi iyo dhugmo yeelo, hana ka baqan in aad ku dhiirrato waxa ku cabsi geliya.

“Guriga ka soo bax oo naftaada ku carbi in aanay ka baqan miidaamada iyo dhiirranaanta. Sawirro badan iska qaad, meelaha laga cabsado istaag oo naftaada adkaysiga ku tababar. Khatarta ku dhiirro, wixii aan guushiisa iyo guul darradiisu kala caddayna dib ha uga joogsan ee hubi ka uu noqonayo. Ogow in ay jiraan kuwa qayrkaa ah oo ku dhiirrada in ay diyaaradda cirka maraysa iska soo tuuraan iyaga oo naftooda ku aaminaya dallad yar oo maro ka samaysan. Noloshaada farxad iyo firfircooni badan ayaa ay ku abuuraysaa, xusuus fiican oo waayo dambe aad nafta ku maaweelisana waa ay kuu noqon.

15. Inta ugu badan ee aad awooddo socdaal oo safarka ha u daymo la’aan:

“Socdaalka iyo dhul maristu waxa ay kuu beddeli karaan si aanu jirin wax la mid ah oo kuu beddeli karaa. Waxa kugu qasmayaan in aad danayso oo daryeesho arrimo kaa da’weyn” Waa waayo-aragnimo, tacabbur iyo cabsi aad u badheedhay, sidaa awgeed haddii aad safarka badsato waxaa hubaal ah in wax noloshaada cabsi geliya aanad arkayn inta kuu hadhay nolosha”

16. Baro sida nafta keli loola faqo si ay arrimaheeda si xeeldheer uga fikirto:

Picture13“Ma’ yara wax yaabaha aad ka faa’idaysan karto inta aanad 30 jirka dhaafin, si ay kuu anfacaan marka aad 50 gaadho. laakiin waxa uun aad ka faa’idaysan kartaa haddii aad u hurto waqtiga iyo samirka ay u baahan tahay, oo mar kasta ka yar faa’idada aad arki doonto marka aad 50 jirka gaadho. Fikirka iyo ka fiirsigu waxa ay qofka u fududeeyaan in tallaabooyinka uu qaadayaa ay noqdaan kuwo miisaaman oo caan ceeb iyo taariikh xumo u soo jiidin, waxa aanay u sahlaan in uu caqabado badan si dhib yar uga gudbo.

Naftaada bar in ay yeelato waqti ay isku keliyeysato oo ay dib u qiimayso waxa ay soo martay, waxa sugaya iyo qaladaadka nolosha ee ay samaysay, oo looga baahan yahay in aanay dib u dhicin iyo in ay ka barato duruus wax-ku-ool ah oo mustaqbalka ay kaga gaashaamato in qaladaadkaas oo kale dhacaan.

17. Hoy yeelo:

Inta badan dhalinyaronimadu waxa ay qofka ku dhaaftaa raaxada iyo in uu kharash badan ku bixiyo arrimo laga yaabo in aanay dhaafin saacadaha iyo maalmaha ugu horreeya, waa arrin fiican in nafta la dareensiiyo farxad iyo damaashaad, oo caafimaadka nafsiga ah ayaaba ku jira, laakiin ogow oo gurigu waa hanti lama huraan ah oo inta badan aan dhalinyaronimada lagu ogaan waxtarkeeda. Laakiin baahideeda ugu weyni soo baxdo marka uu ruuxu gaadho 50 jir.

Ku dadaal inta aanad 30 jirka aad ugu weydaaran dhinaca 50 ka in aad yeelato guri kuu gaar ah, waqtigaaga nasashada ayaad ku qaadan waana dhaxal raagaya oo magacaaga ku lammaan.