Dawooyinka Asiidhka Leh Ee Caloosha Loo Cuno Khatartooda Caafimaad Ayaa Ka Badan Waxtarkooda

0
677

1Qaahira (Geeska)- Gaastariga noociisa ah in uu qofku dareemo calool olol, (Laab-jeex/dillaac) iyo xanuunka aan ka fogeyn ee afka qalaad isagana lagu yidhaahdo Gastroesophageal reflux disease (GERD) oo ah in asiidhkii caloosha ku jiray kor uga soo noqdo oo qofku uu dhuunta ka dareemo, waxa ay qofka ku qasbaan in uu cuno dawooyinka Asiidhka lagula dagaalamo oo inta badan si sahal ah farmasiyada looga helo, guryahana aad u yaalla iyada oo qofku marka uu cuno (Muud-muudsado) uu dareemo nafis badan. Haddaba qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Sixatii oo ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa soo bandhigtay digniino adag oo ay dhakhaatiirta takhasuska ahi ka soo saareen dawadan oo khatar ku ah caafimaadka.

Haayadda caafimaadka adduunka ayaa iyaduna sheegtay in isticmaalka dawooyinkan laga dheeraado maadaama oo ay suurtogal tahay in ay keenaan Caabuq bakteeriya ah, oo khatar badan ku keeni kara caafimaadka isla markaana gaadhi kara heer aan la daweyn kari, waayo dawooyinkan asiidhku waxa ay xoogga saaraan yaraynta xaddiga asiidhka  caloosha ku jirta, taasina waxa ay khubaradu u arkaan in asiidhkaasi yahay khadadka difaaca jidhka  kuwa ugu muhiimsan uguna adag ee la dagaalami kara dhammaan noocyada bakteeriyada cuntada raacda, ama hawada iyo gacmaha ku qarsoon ee qofka afka u gasha.

Dawooyinkani waxa ay keenaan caabuq xiidmahaku dhaca, dadka qaarna waxaa lagu arkaa shuban marmar uun iska yimaadda, marka uu doonana joogsada sabab la’aan, taas oo khubaradu ku sababeeyeen in dawadani ay dilayso bakteeriyadii calooshu u baahnayd.

Daraasad kale oo cusub ayaa iyaduna sheegaysa in inta badan dadka maalin kasta isticmaala dawooyinka asiidhka caloosha lagu yareeya lagu arko bakteeriyada dilaa ah oo calooshooda ku dhalata.