Ingiriiska Oo Xabsi Ugu Hanjabay Shaqaalaha Facebook Haddii Ay Fashiliyaan Dadka Sirdoonkoodu Ka Basaaso Shabakadda

0
555

1London (Geeska) Xukuumadda Ingiriiska ayaa wadda qorshe ay ku ciqaabayso shaqaalaha Facebook iyo Twitter haddii ay wargeliyaan qof macaamiisha labadan shabakadood ka mid ah oo sirdoonka Ingiriisku ku daba jiro. Waxa uu Ingiriisku wadaa sharci mamnuucaya in shaqaalaha bar-kulannada bulsho ee internet ka iyo masuuliyiinta shabakadahani in ay  u digaan dadka lagu tuhunsan yahay argagaxisada iyo dembiyada kale, taas oo haddii ay dhacdo in macaamiishoodaas ay ogeysiiyaan in bogaggooda sirdoonku baadhayo ay shaqaalahan kasban doonaan ciqaab gaadhi karta illaa laba sano oo xadhig ah.

Xukunkan waxaa lagu fulin doonaa qof  kasta oo haayadahan ka shaqeeya oo qofka la tuhunsan yahay siiya nooc uun digniin ah ama ishaaro si uun qofkan u dareensiinaysa in faylashiisa ama qaybaha xogtiisa ee bogga uu ku leeyahay shabakadahan ay doonayaan sirdoonka ama si uun u eegeen.

Sida la ogyahay qaar badan oo ka mid ah bar-kulannada bulsho ee internet iyo shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa qofka macmiilka u ah u dira farriin ku baraarujinaysa in xogtiisa sirdoonka ama dowladdu baadhayso, waxa aanay shabakadahani ku doodayaan in arrintaasi ay tahay danta iyo bad-baadada, shaqaalaheeda, laakiin tallaabadani waxa ay ka cadhaysiisaa sirdoonnada oo sheega in arrintani ay carqaladayso baadhitaannada muhiimka ah iyo dabagalka dadka ay ku raad-joogaan.

Bishii Oktoobar ee sannadkii ina dhaafay ee 2015ka ayaa ay ahayd markii shirkadda Facebook ay bilowday adeeg cusub oo macmiilka ogeysiinaya haddii boggiisa ama  akoonkiisa ay wakaalad ama haayad dowladeed dabagal iyo baadhis ku waddo. Sidoo kale shirkadda Twitter ayaa iyaduna adeeggan oo kale hore u lahayd. Si kastaba ha ahaato ee shirkadaha Facebook iyo Twitter Ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin arrintan.

Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa intaas ku daraya in guddida sirdoonka iyo amniga ee baarlamanka Ingiriiska ayaa sannadkii hore Facebook ku eedaysay in uu diiday in ay guddida u furto farriimo internet ka uu mariyey dhagarqabe dile askari Ingiriis ah.