Dawo Ilkaha Dib U Soo Saaraysa Oo La Filayo Marka La Fasaxo Isticmaalkeeda, In Lagaga Raysto Buuxinta Ilkaha

0
816

2London (Geeska)- Saynisyahanno ka tirsan kuliyadda Kings ee magaalada London ayaa shaaca ka qaaday in dawada Tideglusib oo caadi ahaa n loo isticmaalo daweynta cudurka xusuusta dila ee Alzheimer’s, uu dib u hawlgeliyo unugyada  asliga ah (Stem Cells) ee ku jira dhuuxa ilkaha, taas oo sababaysa in ilig mar kale ka soo baxo halka iligga hore banneeyey. Warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska The Daily Telegraph ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ilkuhu ay run ahaan leeyihiin awood ay mar kale u samayn karaan lafta uu iligu ka samayso, gaar ahaa marka duuxa iligga hore ee meesha ku jiraa yahay mid buka ama caabuq ku dhacay.

Khubaradu waxa ay sheegeen in dawada Tideglusib ay joojiso shaqada dheecaanka lagu magacaabo GSK-3 oo ah kan marka hore hortaagan in uu iliggu dib u samaysmo.

Sida loo isticmaalayo dawada

Dhakhaatiirta cilmibaadhistan samaysay oo sii faahfaahinaya sida loo isticmaali karo dawadan ayaa sheegay in qofka laga rabo in uu kiniinka ku soo qaato gobal yar oo Buush (Isbuunyo) milmi kara ah, kadibna uu saaro halka uu iligga suusku ka galay, waxaa dhacaysa in maaddooyinka kiniinkan Tideglusib ku jiraa ay dhiirri geliyaan unugyada asliga ah ee dhuuxa iligga ku jira, kadibna ay taasi sababayo in uu iliggu soo saaro walax adke caagga oo kale ah oo inta ay buuxiso iligga halkii dalooshay isu beddesha lafta iligga ee caadiga ah.

Muddada:

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in muddada uu iluggu dib ugu sii buuxsamayaa ay noqonayso illaa lix toddobaad.

Ujeeddada Buushka laga leeyahay (Sponge / Isbuunyo)

Buushku (Isbuunyadu) waxa ay ka samaysan tahay maaddada Collagen, oo sideedaba aan cimri dheerayn muddo kadib milanta. Ujeedada loo adeegsanayaana waa in marka ay muddo ku jirto godkan daloola ee iligga ee lala geliyey kiniinka iyadu iska milanto, marka uu iliggu buuxsamo oo aanay la falgelin. “Si fudud waxa aan u odhan karnaa waxa aanu helay dawo dawo aan nooceeda hore loo arag u noqon kara suuska oo si dabiici ah ay u bogsiinayso, iyada oo ilaalinaysa dhuuxa iligga, dibna u abuuraysa maadadda iliggu ka samaysmayo” Sidaa waxaa yidhi Bare-sare Paul Sharp oo hoggaaminayey xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey, isla markaana ka mid ah bareyaasha maxadka ilkaha ee kuliyadda Kings ee dalka Ingiriiska. Imika waxa ay dhakhaatiirtu buuxinta ilkaha u isticmaalaan walxo la isku daray oo ay ka mid yihiin walax dhegeysa sida xabagta, walxo ka samaysan Kalshiyaam iyo Rabadh, imw. Laakiin waa walxo aan iligga la falgelay isla markaana suurtogal ay tahay in ay mar uun iska soo dhacaan, ama u baahdaan in la beddelo.

Weli isticmaalkeeda aadamaha looma fasaxin:

Natiijadan cilmiga ah ee muujisay in ilkuhu mar kale dib u soo bixi karaan ayaa aan weli aadamaha loo ogolaan, waxa aana  illaa hada lagu isticmaalay jiir lagu tijaabiyey oo keliya, inkasta oo natiijada tijaabada jiirka laga helay ay ahayd mid togan, isla markaana dhakhaatiirtu sheegeen in xaddiga dawada Tideglusib laga isticmaalayaa uu yar yahay oo aanu dhib keenayn, haddana weli cilmi ahaan looma fasaxin isticmaalkeeda.

Digniin:

Wargeyska Geeska Afrika waxa uu ka digayaa isticmaalka dawooyinka aanu dhakhtarku ku talin, iyo in cidi tijaabiso natiijooyin cilmibaadhiseed oo aan si rasmi ah dadka aqoonta u lihi u xaqiijin in la qaadan karo.