Dawo-Guri Aad Kula Tacaali Karto Cabudhka Sanka Oo Xilliyadan Oo Kale Bata (1)

0
1550

Picture7Hargeysa (Geeska)- Cabudhku waa labada dul ee sanka ama mid ka mid ah oo xidhma, waxa aanay arrintan inta badan dhacdaa marka dulka sanka gudihiisa hore uu barar ku jiro, taas oo sababta in duufku uu ku ururo sanka gudihiisa, aakhirkana ay noqoto in qofku uu si dabiici ah neefta uga qaadan kari waayo sanka. Waa mid ka mid ah sababaha cabudhka sanka keena, sababta bararka ku keenaysa dulka gudihiisuna inta badan waxa ay la xidhiidhaa Hargabka iyo xasaasiyadda oo uu samboorku ka mid yahay. Bararkaas marinnada neefta ee sanka ku imanayaa waa mid inta badan ku meelgaadh ah, uu sanku dabiici ku soo noqdo marka hargabka ama xasaasiyaddu tagaan, haddii aanu ahayn mid ku imanaya hilib dheeraad ah oo ku yaalla una baahan in qalniin lagaga jaro ama qallooc ku jira sanqaroorka.

Waa run in cabudhku aanu marka hore qofka ula muuqan cillad sidaas u weyn, balse keliya diiqad iyo cidhiidhi ku keenaysa qofka, laakiin sidaas ma’aha, balse waa cillad u baahan in qofku uu si dhaqso ah u dabiibo, waayo waxa uu keenaa dhibaatooyin kale oo ay ka mid tahay, caabuq dhegaha ah iyo qofka oo aan hurdo raaxo leh seexan.

Haddaba, waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagayaa dhowr hab oo ay khubarada caafimaadku qireen in lagu yarayn karo malaxda ku ururta gudaha sanka, waana habab aynu ku magacownay dawo-guri maadaama oo aanay qofka uga baahanayn in uu dhakhtar la kulmo ama uu dawo kiimiko leh qaato. Waxaa muhiim ah in qofku uu ogaado in dawo-gurigan mid keliya oo aad isticmaashaa ay kugu filan tahay oo aanu macnuhu ahayni n la wada isticmaalayo, arrinta kale ee muhiimka ahina waa in aynu ogaanno in ay tahay xal ku meel gaadh ah oo marka cabudhku soo noqdaba lagu celinayo, balse aanu ahayn dawo kama damays ah. La soco…