Akhri, Oo Ha Qoslin: Qisada Ninkii Foosha Xumaa Iyo Afadiisii Qalanjada Ahayd Kala Qabsatay

0
929

Hargeysa (Geeska)- Cimraan Binu Xaddaad waxa uu ahaa nin carbeed oo ah dadka hadalladooda inta badan lagu qoslo. Si la mid ah sheeko dhaqameedka kala duwan, ee Soomaalida iyo Carabtaba dadka nocoan Cimraan ah aad ayaa la isugu khilaafaa shakhsiyaddooda, fariid, doqon, geesi, fulay, xikmaawi iwm. Sidaas oo kale ayaa ay dad badanina Cimraan ku sheegaan in uu ahaa damiin, laakiin damiinnimada ay u dheerayd laba tilmaamood oo qofka ay isku raacaan aanu aadamaha uu la nool yahay ad-yad la’aan ku dhex joogi karin; Waa gaabni xad dhaaf ahayd iyo fool xumo.

Cimraan oo mid ka mid ah qisooyinkiisa maadayska ah uu maanta Geeska Afrika la wadaagayo akhristayaashiisu waxa uu qabay afo aad u qurux badan, qurux keliya ma’aha ee gabadhan waxaa u dheeraa fariidnimo iyo xikmad dadku aad ugu barteen, taas oo sabab u noqotay in qof kasta oo labadooda isu arkaa uu u qaato in guurka lammaanahani kuu ka mid yahay mucjisooyinka mar la’aragga ah. Waa laba ruux oo muuqaalka duleed ee abuurka ah, iyo quruxda qarsoon oo caqliga ahba aad ugu kala duwan.

Cimraan qudhiisu waa uu dareensanaa quruxda aadka ah ee xaaskiisa, oo malaha isaga qudhiisa ayaaba u qaadan la’aa in calaf gabadha dhegtaa leh ku simay, sidaa awgeed mar kasta oo uu guriga joogo, hawsha keliya ee uu qabtaa waxa ay ahayd in uu ku dheygago ka bogashada quruxda qalanjadiisa, waa kasta oo berya waxa uu ku eegayayaa indho ruuxa aan isu aqoonin u qaadan lahaa in ay yihiin dad isku cusub.

Haddaba, Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu cimraan goor duhur ah ku soo noqday gurigiisa. Isla markii uu xaaskiisa la kulmay waxa uu u eegay si yaab badan oo ay ka muuqato in uu ka helay quruxdeeda, waa deymo kaba sii xeeldheer tii ay hore uga baratay, sidaa awgeed xaaskiisu iyada oo aad uga yaabban ayaa ay ku tidhi, "Maxaa dhacay ee aad sidaas iigu eegaysaa?"

–  Cimraan ayaa ugu jawaabay, "Maalinba maalinta ka dambaysa qurux ayaa kuu kordhaysa"

– Gabadhii ayaa inta ay dhoolla caddaysay tidhi, "Aniga iyo adiguba jannada ayaa aynu gelaynaa ee ku bishaarayso"

– Cimraan ayaa inta uu hadalkan ka yaabay, waxa uu gabadhii weydiiyey, "Oo maxaa aad ku garatay in aynu Jannada gelayno"

– Waxa ay gabadhii ugu jawaabtay, "Nimcada aad aragto (Nafteeda ayaa ay u jeeddaa) ayuu rabbi kugu galladay, adna kuma aad kufriyin ee Alle ayaa aad uga mahadnaqday nimcada uu ku siiyey … Anigana imtixaanka aad ogtahay (Fool xumidiisa) Ayaa uu Alle i baday, markaasaan ku samray" Nimcada Alle oo laga shukri celiyo iyo imtixaanka adduun oo lagu samrana, sida ay diiintu sheegtay abaalkoodu waa Jannada.