Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Iyo Wakiilada & Labada Xisbi Mucaarad Oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo

0
618

Picture6Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka ka tirsan Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada iyo Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay muddo kordhinta Xukuumadda loo samaynayo ee ay golaha guurtidu ku hawlanyihiin.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Guurtida iyo sidoo kale Masuuliyiin Labada Xisbi Mucaarad ka mid ah oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey sida ay u arkaan muddo kordhinta Xukuumadda ee Guurtida ayaa ugu horeyn Xildhibaan  Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida, oo aanu wax ka weydiinay arintan ayaa yidhi “Dalkani marxalado kala duwan ayuu soo maray, haddii aanu nahay Guurtidana xil ayaa na saaran, xilkaygana waanu ka soo baxayna, haddii ay muddo kordhani timaadana waa la kordhinayaa, maxa yeelay dalkani dawlad la’aan maayo, wixii dalka iyo dadka dan u ah ayaanu ku dhaqaaqaynaa”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo  ka mid ah Xildhibaanada Muxaafidka ee Golaha Wakiilada ayaa isna aanu weydiinay sida uu arko muddo kordhinta waxaanu yidhi “Muddo kordhinta waa tii la kordhiiyey, ee Komishanku yidhaahdeen Doorashadu intaas ku dhici mayso, Guurtidana ILLAAHAY  ayaa og inay muddo kordhinta ay yarayn doonaan iyo inay intaas ka kordhin doonaan, wixii dalka u dan ah ayey iyana yeeli doonaan, XIsbiyada Mucaaradkana waxa aan leeeyahay Wadankana buuq iyo qalaan-qal yaan la gelin, Maalin weyna wey  inagu soo socotaaye, ee mar uun Wadanka u naxariista”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane),oo ka mid ah Xildhibaanada Wakiilada, ahna XIldhibaanada Mucaaradka, ayaa isna ka hadlay dareenkiisa ku aadan muddo kordhinta la sheegay inay Guurtidu wado, waxaanu yidhi “Muddo kordhintu waa mid sharci daro ku timid markeeda horeba, Doorashada Madaxweynuhu haddii ay dhici weydo hal qodob oo keliya ayaa sharciya in muddo kordhini timaado, waana haddii ay dalka Nabadgeliyo daro ka jirto, muddada la kordhin karaana waa muddo la qiimeeyey, muddo kordhinta Barlamaankuna aafooyin badan ayaa ku xidhan, muddo kordhinta imika socota marka dhinaca walba loo eego waa xaaran, xil gudasho la’aan ay Xukuumaddani gashay ayeyna ku timid dhibta Maanta taagani, waana khalad in muddo kordhin lagu abaalmariyo cid xilkeedii gudan weyday, Xukuumaddana inta ay saaqiday ayey leedahay saaqidnimadii igu abaalmariya.

Haddii danta Qaranka laga hadlay oo Komishankii keeneen muddo kordhin wakhti farsamo ah waxa ay ahayd in xeerar la raaciyo, oo la yidhaahdo haddii ay dhici weydo maxa ka meel yaala, oo wakhtigaas Komishanku ay cayimeen lagu qabto Doorashooyinka, haddii ay wax ka yimaadana waxa ka masuul ah cidaa kordhisay.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), mar uu ka hadlaayey muddo xileedka Xukuumaddan u hadhay ayaa yidhi “26-june, marka la gaadho wakhtigii sharciga ahaa ee Xukuumaddani uu dhammaanaya, waana in talo Qaran la iskugu yimaado,  oo laga tashada sidii laga yeeli lahaa Xukuumaddan”.

Xogyaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdillaahi oo isna dhankiisa ka hadlaya sida uu arko muddo kordhinta ayaa yidhi “Aragtida Xisbiga UCID ka qabo muddo kordhinta ay Guurtidu hadal hayso, ka Xisbi ahaan mawqifkayga ayaanu hore u caddeeynay,waana ka soo horjeednaa anagu muddo kordhin aan ahayn taas uu Komishanku soo saaray, haddii ay habeen ku daraan Guurtidu sharci darada ay Xukuumaddani ku ordayso ayaa shaqayn doonta,Guddoomiyaha Golaha Guurtidana waanu kala kulanay, waxa aanu diyaar u nahay in Shacabka Somaliland badbaadino, Beesha Caalamku waxa ay yidhaahdeen faraha ayaanu idin kala baxaynaa, Dawladda Somalilandna la shaqayn mayno, haddii aanu Xisbiyada Mucaaradka nahay, gaar ahaan Xisbiga UCID haddii aanu nahay laba mid ayey noo taagan tahay, in haddii habeen lagu daro in aanu iska Qufulno Xafiisyada oo aanu iskaga tagno, oo aanu Calaamka u sheegno in wax Dimuqraadiyad ahi  aanu dalka ka jirin, iyo wixii qas dalka ku yimaada in Golaha Guurtidu masuul ka noqdaan, oo Sharci daradu shaqayso.

Golaha Guurtida waxa aanu uga digaynaa in aanay arintaas ku deg deign, oo arintaas aanu isla qaadanay ee farsamada ku timid ay ku dhiiradaan, dhinaca Xukuumadda Niman fara badan oo Wasiiro ahi wey nala aamisan yihiin Doorashada loo cayimay bisha Lixaad ee Sannadka dambe, Guddoomiyaha Golaha Guurtida si fiican ayaanu isku afgarnay, waana uu nala qaatay inuu nala shaqayn doono, Guurtida waxa aan ugu baaqaya inay nala qaataan sidaas lagu heshiiyey”.

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Maxamed Xasan (Cabdirashiid Riyo-raac) oo isna aanu wax ka weydiinay sida uu arko muddo kordhinta ay Guurtidu wado ayaa yidhi “Muddo kordhinta ay Guurtidu wado waa xaaran, muddo kordhin siyaasadaysanina waa xaaran, Somaliland waxa ay Dunida marti uga tahay Ictiraaf iyo in loo arko inay tahay Umad jirta, laakiin Maalin walba Ninka Kursiga fadhiya ayaa baabiya, oo damacisa iyo rabitaankiisa ku baabiyaa, waxaana leeyahay muddo kiordhintan wax dan ah oo Somaliland ugu jirtaa ma jirto, waxayna ka hor imanaysaa qaranimadii, ictiraafkii iyo halkii la hiigsananaayey Mustaqbalka, Beesha Caalamkuna muddo kordhin ma ogola, Xisbiyadana waxa loo sameeystay in taladda la iskaga dambeeyo, oo hadba cid cusubi timaado, waana qori isku dhiib, laakiin haddii uu nin yidhaahdo aniga ayaa iska haysanaya wax macno leh maaha. Wasiirka Dibada oo Xukuumadda ka tirsan oo ah masuulka inoo qaabilsan Wadamada Caalamka iyo Arrimaha Dibada ayaa yidhi haddii ay Doorashooyinkeenu dib u dhacaan sharaftii iyo karaamadii Somaliland hoos ayey u dhacayaan, balse Xukuumaddani danta dalka, dadka iyo  dimuqraadiyada midna u tudhi mayso, waxaana ugu baaqaya Xukuumadda in aan dalka god madaw ku ridin.

Guurtidu iyada oo xeer dejintii ah in Shuruucda iyo Dastuurka dalka ka hor yimadaan maaha, qodobka 14-aad waxa uu Sheegaya in Komishanka Qaranku xaq u leeyihiin muddada Doorashada, waana xeer 20-aad, markaas haddii ay Guurtidu tidhaahdo waxa aanu nahay Odayashii iyo Sharci dejintii Sharcigana waanu ka hor imanaynaa waa dhib”.