Dawo Cusub Oo Loo Isticmaali Doono Kansarka Sambabka Ku Dhaca Iyo Sababta Cudurkan Loo Aneeyo

0
515

Washington (Geeska)- Haayadda cuntada iyo dawada ee dalka Maraykanka ayaa si rasmi ah u fasaxday dawo cusub oo lagu daweynayo dadka qaba cudurka Kansarka noociisa sambabka kudhaca, gaar ahaan marka uu xaalado dambe gaadho ee inta uu sambabka ku dhammaystirmo bilaabo in uu jidhka kale uga sii gudbo, qofkuna aanu qaadi karayn daweynta hadda loo isticmaalo.

Haayadda FDA ayaa war-murtiyeed ay soo saartay sabtidii toddobaadkan waxa ay ku sheegtay in dawadan cusub oo magaceeda la yidhaahdo Alecensa ay u fiican tahay bukaanka kansarku ka haleelay unugyada aan yaryarayn ee sambabka isla markaana aanay waxba u tarin dawada Xalkori ee hadda loo adeegsado la tacaalidda xaaladdooda.

Warkan ka soo baxay haayadda FDA waxaa lagu sheegay in dawadan oo afka laga qaadanayo laba jeer maalin kastaa ay awood u leedahay in ay joojiso faafintaanka kansarka unugyada waaweyn sambabka ku dhaca. Dhibta ay dawadani keento ee ugu weyn ayaa ay haayaddu ku sheegtay in ay tahay qofka oo daal iyo burbur dareema, calool istaag iyo muruqyada oo qofka xanuuna.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-jazeera ayaa intaas ku daraya in nocan Kansar ay khubaradu sheegeen in uu ka khatar badan yahay ka ku dhaca unugyada yaryar ee sambabka. Waxaa la aaminsan yahay in guud ahaanba Kansarka sambabka ku dhaca sababtiisu ay boqolkiiba 70 ka timaaddo sigaar cabbista, inta badanna dadka uu ku dhacaa waxa ay noolaadaan ugu badnaan shan sano oo dambe.